Dowladda Mareykanka oo aqoonsatay ku-darsashada Israel ee Daanta Galbeed

Washington (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Mareykanka ay u diyaar garoobeyso iney aqoonsato madaxbanaadida Israel ee qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin, oo ay dooneyso inay ku darsato dhulkeeda.

Arrintan ayaa imaneysa ayadoo Washington ay isku diyaarineyso fulinta waxay ugu magac dareen “Heshiiskii Qarniga”, kaasi oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump bishii Janaayo.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ku darista qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee dhulka Yahuuda ay ku dhici doonto ayada Falastiiniyiinta loo yaboohayo dalnimosi waafaqsan shuruudaha gaarka u ah xaaladaha cabirka dhuleed iyo taageero dhaqaalaba.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in isku diyaarinta dalkiisa ee aqoonsiga Israel ugu darsaneyso dhulka ay heysato qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ay noqon doonto mid ku xiran in Israel ay ogolaato in miiska wadahadalka la fariisato Falastiin, si waafaqsan aragtidii madaxweyne Trump.

Bilowgii bishaan ayay aheyd markii Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo ninka ay siyaasada ku loolamayaan ee Benny Gantz ay gaareen heshiis u gogol xaarayo xukuumad lagu midoobay, iyo ku dhaqaaqidda qorshaha ku darsashada.

Sidoo kale qorshaha wuxuu yahay in haddii Washington ogolaato, in ku darsashada loo bandhigo baarlamanka Yahuudda si ay ugu codeeyaan bisha July ee sanadkaan

Waxay aheyd bishii Janaayo ee sanadkaan markii uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu shaaca ka qaaday wax uu ugu magac daray heshiiskii qarniga, ee lagu xalinayo khilaafka Israel iyo Falastiin u dhaxeeya.

Qorshahan ayaa ahaa in ku dhawaad sadax meelood meel Israel la wareegto dhulka Daanta Galbeed, midaas badalkeedana ay aqoonsan doonaan dowlad Falastiin ah oo haysata dhul kala go’go’san, taasoo aanan awood u laheyn iney ayada maamulato xuduudaha iyo hawada wadankeedaba.

In Daanta Galbeed ay la wareegaan Yahuuda waa mid aan sharci aheyn misna ka hor imaaneyso qaanuunka dowliga, ayadoo Falastiiniyiinta ay si adag uga hor imaadeen arrinkaan.

Mareykanka ayaa tan iyo markii uu Trump la wareegay xilka ugu sareeya dalkaas banaanka soo dhigay siyaasadiisa ku wajahan khilaafka Falastiin iyo Israel, asigoona sanadkii 2017-dii magaalada Qudus u aqoonsaday iney tahay caasimada Israel,  sidoo kalana sanadkii hore ayuu Yahuuda u aqoonsaday madax banaanidooda buuraha Golan ee ka tirsan dhulka Syria.

Dhanka kale todobaadkii hore ayay Qaramada Midoobe iyo Midowga Yurub iyo qaar kamid ah dowladaha ugu waaweynee  yurub sida UK, France iyo Germany kaga digeen Israel iney dhulkeeda ku darsato qeybo kamid ah Daanta Galbeed.

Safiirka Qaramada Midoobay u fadhiyo Bariga Dhexe ayaa ku tilmaamay talaabooyinkan iney dharbaaxo kulul ku yihiin xalkii lagu waday in laga gaaro khilaafka labada dowladood.