Beirut (Caasimada Online) — Dowladda Mareykanka ayaa amar ku bixisay in dhammaan diblomaasiyiinta aan daruuriga ahayn iyo qoysaskooda ku sugan Safaaradda Mareykanka ee Beyruut ay si degdeg ah uga baxaan dalka Lubnaan.
Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa Isniintii shaacisay tallaabadan, xilli ay cirka isku shareertay xiisadda kala dhaxeysa Iiraan, iyadoo ay jirto cabsi ku aaddan weerar milateri oo Mareykanka uu ku qaado Tehran.
Qoraal digniin safar ah oo kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in go’aankan uu salka ku hayo “xaaladda amni ee ka jirta Beyruut.” Digniinta oo si rasmi ah loo shaaciyay saacado kadib markii ay soo baxeen warar hordhac ah, ayaa sidoo kale lagu xaddiday dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha Mareykanka ee weli ku haray dalkaas.
Mas’uul sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda, oo codsaday inaan magaciisa la xigan, ayaa sheegay in qiimeyn joogto ah oo lagu sameeyay xaaladda amni ee gobolka ay keentay in la qaato go’aan “taxaddar leh” oo lagu dhimayo tirada dadka ku sugan Safaaradda, balse waxa uu xaqiijiyay in safaaraddu ay sii wadi doonto shaqadeeda, ayna joogi doonaan shaqaalaha muhiimka ah oo kaliya.
Lubnaan ayaa muddo tobanaan sano ah aheyd goob ay ka dhacaan weeraro aargudasho ah oo lala xiriiriyo Iiraan, iyadoo loo aaneynayo taageerada Tehran ee ururka Xisbullah. Kooxdan ayaa horay loogu eedeeyay weeraradii dhimashada badnaa ee lagu qaaday xeryihii Ciidamada Badda Mareykanka iyo dhismaha safaaradda ee Beyruut horraantii siddeetameeyadii.
Dhimista shaqaalaha safaaradda Beyruut ayaa badanaa loo arkaa calaamad saadaal u ah tallaabo milateri oo Mareykanka ama Israa’iil ay damacsan yihiin, gaar ahaan mid ka dhan ah Iiraan.
Tallaabo tan la mid ah ayaa horay looga qaaday safaaradaha gobolka, oo ay ku jirto Ciraaq, wax yar ka hor intii uusan Madaxweyne Trump amrin duqeymo ka dhan ah xarumaha nukliyeerka Iiraan bishii June ee lasoo dhaafay. Lama oga in amarkan uu saameyn doono safaaradaha kale ee Mareykanka ku leeyahay Bariga Dhexe.
Xiisadda u dhaxeysa Washington iyo Tehran ayaa sii xoogeysatay kadib markii Madaxweyne Trump uu gobolka geeyay awooddii milateri ee ugu weyneyd muddo tobanaan sano ah.
Markab diyaaradaha xambaara oo labaad ayaa hadda ku sii jeeda gobolka si uu ugu biiro maraakiibta dagaalka ee halkaas ku sugan, taas oo Trump siineysa fursado dhowr ah oo uu ku qaadi karo weerar haddii loo baahdo.
Dhinaca diblomaasiyadda, Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan, Badr al-Busaidi, ayaa sheegay in Mareykanka iyo Iiraan ay qorsheynayaan inay wareeg kale oo wadahadalo ah ku yeeshaan magaalada Geneva maalinta Khamiista ah.
Abbas Araghchi, diblomaasiga ugu sarreeya Iiraan, ayaa wareysi uu siiyay telefishinka CBS ku sheegay inuu rajo ka qabo xal diblomaasiyadeed, isagoo xusay in heshiis la soo jeediyay uu dhawaan diyaar noqon doono.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Trump oo Jimcihii la weydiiyay suurta-galnimada weerar milateri oo xadidan inta ay socdaan wadahadalada, ayaa ku jawaabay: “Waxaan u maleynayaa inaan dhihi karo waan ka fiirsanayaa taas,” isagoo digniin u diray Iiraan inay aqbasho heshiis caddaalad ah.
Dhinaca kale, mas’uul kale oo Mareykan ah ayaa sheegay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio laga yaabo inuu dib u dhigo safar uu ku tagi lahaa Israa’iil dhamaadka toddobaadkan, tallaabadaas oo qeyb ka ah isbeddelada ka dhashay xaaladda kacsan ee gobolka.

