Dowladda Mareykanka oo war kasoo saartay xaaladda siyaasadda ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markii u horeysay war saxaafadeed ka soo saartay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya oo bilihii la soo dhaafay gashay marxalado aan la fileyn oo ka dhashay khilaafka dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

War saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ku boorineyso dhammaan dhinacyada Soomaalida inay ka shaqeeyaan dib u heshiisiin siyaasadeed.

“Dowladda Mareykanka waxay ku boorineysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhammaan Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan dib-u-heshiisiin siyaasadeed, iskaashi, iyo midnimo ayadda oo loo maraya  wadahadal nabadeed” sidaasi waxaa yiri Donald Yamamoto safiirka Mareykanka u fadhiya soomaaliya.

Sidoo kale waxaa war saxaafadeedka ka soo baxay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar wax ku ool ah oo laga dareemayo dhinacyada muhiimka ah, ee Amniga,dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.

“Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar wax ku ool ah oo laga dareemayo dhinacyadda muhiimka ah. Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan inay isu yimaadaan oo ay la shaqeeeyan saaxibada Soomaaliya ee caalamiga ah si loo helo nabad, xasilooni, iyo barwaaqo”

Arintan ayaa waxaa ay ku aadaysaa xili khilaaf siyaaseed uu dhexeeyo dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ka jira dalka, iyadoona sidoo kale ay xusid mudan tahay in dowladda ay culeys kala kulanto siyaasiyiinta mucaaradka ee ka so horjeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com