27.5 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Dowladda oo 5 amar oo deg deg ah kasoo saartay Doorashada Jubbaland

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Diib u heshiisiinta ayaa soo saartay qodobo xasaasi ah oo Maamulka Jubbaland looga dalbanayo inuu ku dabaqo doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo Kismaayo.

Wasaaradda oo soo saartay illa 5 qodob ayaa Maamulka Jubbaland ku amartay in soo xulista Odayaasha ay isla ansixiyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulkaas iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya .

Wasaaradda ayaa ku baaqday inay xildhibaanada soo xulaan Odayaasha Rasmiga ah ee Jubbaland isla markaasna halkii kursi loo soo xulo Hal Xildhibaan oo kaliya.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay iyadoo la tixgelinayo qoondada Haweenka in laga rabo beel kasta oo ay kusoo aado 3 xildhibaan inay halmid ka  dhigaan Haween.

Wasaaradda ayaa amartay in Meesha doorashada lagu qabanayo ay noqoto akadeemiyada Booliska Jubbaland ama Xarunta Qaramada Midoobay si loo fududeeyo geedi socodka Doorashada.

Ugu dambeyntii wasaaradda ayaa sheegtay inay doorashada goobjoog ka noqon doonaan xubno ka socdo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka iyo Xubno matalayo Beesha Caalamka.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News