Guddoomiye Yariisow oo weerar afka ku qaaday Wasaaradda Caafimaadka iyo xiisad taagan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa weerar ah Afka ah ku qaaday Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in ay maamulka gobolka Banaadir faragalin ku heyso.

Waxaa uu sheegay Gudoomiye Yariisow in Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay dooneyso maamulida howlaha Caafimaadka ee gobolka Banaadir loo idmaday.

“Waa nasiibdaro in Wasaarada Caafimaadka DFS ay ka maseyrto Maamulka G/Banaadir oo ay si xaasidnimo u dhaqanto. Weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka waa mas’uuliyada G/Banaadir iyo dhammaan dhaqan gelinta howlaha Caafimaadka, halka Wasaaradu ay mas’uul ka tahay Siyaasada heer Qaran ee Caafimaadka Dhammaan gobolada”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay Buug maamulka gobolka Banaadir uu soo saaray oo laga rabo in ay qaataan dadka aadaya dalka dibadiisa.

Waxaana buuggaasi qaar ka mid ah Bulshadda Soomaaliyeed ay ku tilmaameen Caqabad bulshadda lacago looga sameynaayo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay khilaaf ku saabsanaa habka bixinta Buugga Caafimaadka oo ay waday Waaxda Caafimaadka Gobolka Banaadir, iyadoo tallaabadan ay diidaneyd Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka.

Dhowr jeer oo hore waxaa jiray in Wasaaraddaha Xukuumadda Federaalka ee fadhigooda yahay Muqdisho in Maamulka Gobolka Banaadir ay isku qabteen adeegyo bulsho la qabanayay, iyadoo Maamulka Gobolka Banaadir uu ku andacoonayay inuu xaq u leeyahay, halka Wasaaradaha oo meesha kaliya ka howl galaan ay Muqdisho tahay ay iyagana ku doonayeen inay fuliyaan adeegyadaas.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalkii kasoo baxay Wasaaradda

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com