Weerar culus oo lagu qaaday Hoggaamiyihii Burcad Badeeda Gobolka Mudug  

Hobyo (Caasimadda Online) – Koox hubeysan ayaa weerar Jid gal ah ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Nin lagu magacaabo Maxamed Gafaaje oo horay uga tirsanaa jiray hoggamiyeyaashii Barcad badeedii Soomaaliya.

Weerarka lagu qaaday kulunyadaas ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaare is kugu jira dhimasho iyo dhaawac, inta la xaqiijiyey waxaa dhimatay Seddax ruux oo ka tirsaanaa ilaalada Maxamed Gafaaje waxaana jira dhaawacyo kale oo aan tiradooda la xaqiijin.

Xiliga la weerar ayuu marayey inta u dhaxeysa deegaanka Gawaan iyo degmada Hobyo ee Gobolka Muudug, oo qiyaastii isku jira 30-KM.

Maamulka degmada Hobyo oo uu ka tirsanaa sarkaalka la weeraray oo aan la sameynay xiriiro kala duwan ayaa noo sheegay in ay Ciidamo u direen halka lagu weeraray salkaalkaas ka tirsanaa, isla markaana aysan macluumaad dheeraad ah ka bixi Karin qaabkii uu u dhacay werarkaas iyo cida geysatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com