Dowladda oo amaro culus la xiriira Al-Shabaab dul dhigtay shirkadaha diyaaradaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa waxa uu maanta kulan la qaatay shirkadaha ka shaqeeya adeega duulimaadyada oo ku bahaysan daladda SATA.

Wasiirka oo fulinaya doorka wasaaradda ee la-dagaalanka Al-Shabaab ayaa waxa uu shirkadaha diyaaradaha ku amray joojinta nooc kasta oo macaamil ah ama lacago ah oo la siiyo kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in arrintani ay tahay go’aan dowladeed, islamarkaana ciddii fulin wayda ee ka hortimaada amarkaan laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

“Marnaba lama aqbali doono in dhaqaalaha laga qaado ganacsatada uu noqdo mid lagu xasuuqo shacabkeena Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Soomaaliya.

Ganacsatada ku bahoobay daladda duulimaadyada ee SATA ayaa dhankooda sheegay inay u hogaansamayaan awaamiirta kasoo baxday dowladda federaalka, taasi oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Shirkaan ayaa waxa Wasiirka ku wehlinayay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi (Daalo) iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cabdicaziz Ibraahim Aadan.

Si kastaba, shirkaan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda ee ah in ganacsatada ay joojiso lacagaha ay siiyaan argagixisada Al-Shabaab, kaasi oo ujeedkoodu yahay siddii xididada loogu siibi lahaa dariiq kasta oo ay lacago ku hesho Al-Shabaab.