Jeyte oo ka warbixiyay howl-galladii ugu dambeeyey ee ka dhanka ah Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo ka hadlay howl-galada ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda gobolka ayaa sheegay in kooxda ka saareen deegaano badan oo sanado dhowr ah ay gacanta ku hayeen.

Guddoomiye Jeyte oo la hadlay VOA ayaa xusay in gobolka Hiiraan 85% laga saaray kooxda Al-Shabaab, islamarkaana firxad ku yihiin deegaano yar oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku daba jiraan.

“Dhul aad u ballaadhan ayaa hayna, waxay ku dambeeyaan (dagaal-yahaanada Al-Shabaab) meelo yar yar. Shabaab in lala diro oo la iska celiyo iyo in loo gacmo hoorsado waxaa kheyr iyo badbaado badan marka la iska celinayo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay falal arxan darro ah u geysteen shacabka Soomaaliyeed, ayna waajib tahay in la iska dhiciyo xili uu sii xoogeysanayo kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Al-Shabaab waxay noqdeen fayras dilaa ah oo cidna ka badbaadeen oo caadeystay umadda Soomaaliyeed dhiigeeda. Qofkasta oo Soomaali ah in uu yiraahdo cid kuma aado oo indhaha laga daawado ayaa caado laga dhigtay, anagoo aragti ka duwan qaadaneyna arrintaas ayaa billownay dagaalka waxaana galay dad badan oo Soomaali ah.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dagaalka socda ee ka dhanka ah argagixisada ay ka filayaan guul iyo in dalka si guud looga cirib-tiro Shabaabka caadeystay gumaadka shacabkeena, isagoo ku baaqay in si dhab ah looga wada qeyb qaato.