NISA iyo booliska oo dusha loo saaray mas’uuliyadda qaraxyadii Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle Cabdi Daahir Guure (Karoore) ayaa ka hadlay qaraxyadii shalay gilgilay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kaasi oo lagu beegsaday xerada Lama-Galaay.

Wasiirka ayaa sheegay in dayac dhanka amniga ah uu sabab u ahaa in la qarxiyo xaruntii gobolka, maadama gawaarida soo gala magaalada ay leeyihiin dhowr barkantarool oo baara, sida uu sheegay.

“Waxa Beledweyne ka dhacay amniga ayaa sabab u ahaa, Saraakiisha amniga Beledweyne dayac ka yimid ayey dadka ku dhinteen shalay qaasatan Booliska iyo Nabadsugidda. Qaraxa waxa uu kasoo galay Buundooyinka oo uu kasoo gudbay, xarunta gobolka la qarxiyay,” ayuu yiri.

“Baabuur ayaa siduu u soo socday qarxiyay guriga Gobolka, mid kale ayaa qarxiyay bacadlihii, haddana mid kale ayaa qarxiyay iridii waardiyaha. Jekpoint-yo ayey soo mareen waa mas’uuliyad darro amniga sabab u yahay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ujeedka Al-Shabaab ay ka leeyihiin qaraxyada ku gumaadayaan dadka uu yahay si hoos uga dhaco dagaalka ka dhanka ah ee uga socda duurka, sida uu hadalka u dhigay.

“Magaalada Jowhar baabuur uusan damiinan Nin Nabadoon ah ama Ganacsade ma soo galo, in magaalada uu baabuur iska soo galo amni darada ayey qeyb ka tahay. Waa in la baaro baabuurta si amniga uu damaanad u helo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday shacabka inay la shaqeeyaan laamaha amniga, islamarkaana loo midoobi sidii loo sii xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo uu sheegay in gabalkooda sii dhacayo.