Dowladda oo ka hadashay afduubka Muqdisho loogu geystay gabadha caddaanka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo ku hubeysnaa hubka fudud ayaa la xaqiijiyay inay magaalada Muqdisho ku afduubteen kalkaaliso caafimaad oo kasoo jeeda dalka Jarmalka.

Kooxdan afduubka geystay oo aan la aqoonsanin ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen dhismaha hay’adda ayna gabadha kala baxeen albaab ku yaalla qaybta dambe ee dhismaha.

Dowladda Federaaalka oo afduubkan ka hadashay ayaa xaqiijisay in haweeneydaasi oo u dhalatay Dalka Jarmalka laga afduubtay dhisme ku yaala Isgooyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Afhyeenka Wasaaradda amniga Somalia C/Casiis Xildhibaan ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay dabagal ku sameeyeen Kooxda afduubka u geystay haweeneydaas.

Waxa uu sheegay in ciidamada amaanka ay Gaariga lagu afduubtay Haweeneyda ka heleen Xaafadda Tarabuunka ee Degmada Hodon, Waxaana Gaariga la geeeyay Xarunta danbi baarista ee C.I.D.

Waxa uu Afhayeenka sheegay inay socdaan baaritaano degdeg ah oo lagu baadi-goobaayo Haweeneyda iyo cida ka danbeysay afduubka loo geystay.

Waxa uu sheegay in xogta ay hayaan ay tahay in Haweeneydaasi ay magaalada Muqdisho ku sugan tahay muddo ka yar laba Isbuuc, waxaa ay u shaqeyneysay Hay’adda ICRC.

Dowladu waxa ay intaa kusii dartay in baaritaanka socda uu soo afmeeri doono dhammaan kiisaska ceynkani ah iyo kan gabadha la afduubtay, si aanu u dhicin fal ceynkaani ah.

Sidoo kale, waxa ay xaqiijisay dowlada in raga afduubtay Haweeneyda ay horay usii Kaxeysteen Ajaanib kale oo Haweeneydan la Joogay waqtiga uu Afduubka dhacayay, Waxaana soo baxaya Tuhuno ku aadan waxa laga damacsanyahay Afduubka Kalkaalisadaas Caafimaad.

Dhinaca kale, Dowladda ayaa sheegtay in ay baaritaan ku waddo Afduubka gabadha loo geystay islamarkaana Ciidamada amaanka ay ku howllanyihiin sidii gabadhaas loo heli lahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com