Qorshe cusub oo amni oo kusoo fool leh Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Isloow (Ducaalle), ayaa sheegay in Wasaaradu ay maalmaha soo socda laba jibaari doonto amniga magaalada Muqdisho.

Wasiir Ducaalle, ayaa sheegay in Wasaarada amniga ay ahmiyad gaara siin doonto amniga magalada Muqdisho oo iminka degan.

Waxa uu tilmaamay in ciidamada amaanka ay ku guda jiraan howlahooda caadiga ah, hase yeeshee ay xoojin doonaan amniga magaalada.

Dadka shacabka ayuu sheegay inay si rasmi ah ula shaqeeyan ciidamada amaanka, waxa uuna cadeeyay in guulaha amniga Muqdisho, ay tahay mid ay u sabab yihiin ciidamada iyo dadka shacabka ah ee iskaashanaaya.

‘’Waxaa guul ah inuu jiro Isfahan xiligaan u dhexeeya ciidamada amaanka iyo shacabka, waxa ay si toosa isaga kaashadaan amniga, waayo waxa ay shacabku garwaaqsadeen in ciidanka la’aantooda aan la heleynin amni’’

Maxamed Abuukar Isloow (Ducaalle), waxa uu ciidamada amaanka ugu baaqay inay wanaajiyaan la dhaqanka shacabka ku howlan kaalmeyntooda, waxa uuna meesha ka saaray in afka laga qabsan doono Askarigii ku khaldama shacabka.

‘’Waxaan ku wargalinayaa ciidamada inay sii wanaajiyaan la dhaqanka shacabka, askarigii ku xadgudbaa qof shacab ah waxaan usii sheegeynaa ha u diyaar garoobo sharciga’’

Sidoo kale, Maxamed Abuukar Isloow (Ducaalle), ayaa ku celcelshay in awooda ugu badan ay isugu geyn doonaan amniga magaalada Muqdisho, waxa uuna ku taliyay in lala shaqeeyo ciidamada.

Haddalka Wasiir Ducaale, ayaa imaanaya iyadoo xaalada amni ee magaalada Muqdisho ay tahay mid marba marka xigta kasii wanaagsanaaneysa halka ay taagan tahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com