Maxaa laga baran-karaa doorashadi afhayeenka BF?

Casharo Siyaasadeed ayaa laga baran-karaa doorashada cusub ee Gudoomiyaha Barlamaanka taas oo ka natiija duwan wadadii Siyaasada Somaliya ee horay looga bartay.

Sanadkii ay jirtay dawladda M. Farmaajo waxa ay la timid Siyaasado iyo Wadiiqooyin ka duwan kuwii lagu socon-jiray 16 sano, waxa ayna iskula dhaceen Xildhibaano, Siyaasiyiin, Madax-gobaleedyo, Dawlado Shisheeye iyo Ururo Caalami ah oo horay u hagi jiray Siyaasada Somaliya 16 sano, waxaana ka dhashay is-maandhaaf wadada lagu Hogaaminayo Siyaasada, Dhaqaalaha, Amniga, Xiriirka dibadda, Xallinta khilaafaadka, Xiriirka Gobalada, Heshiisyada dibadda iyo Go’aan-qaadashada Madaxda Dalka.

Doorashada Gudoomiyaha oo ka dhalatay kala maan Siyaasadeed oo soo socday ilaa 2 sano ayaa laga bara karaa casharadaan iyo kuwa kale:

1-Waxaa tartan adag galay laba Aragti oo mid guulaysatay:

A)-Xildhibaanada Xukuumadda Nabad & Nolol oo ka faa’iidaysanaya xasilooni-daradii siyaasadeed ee la soo maray ayaa ku dooday aragti ah; in ay u baahan-yihiin helitaanka Aqlabiyadda Golaha Shacabka iyo Guddoonkiisa si ay u helaan kalsoonida Golaha una difaacaan jiritaankooda, una ansixiyaan shuruucda la xiriirta hawlaha Qaranka sida ka jirto Dawladaha Barlamaaniga ah, gaar ahaan kuwa deriska nala ah; Kenya, Ethoipia iyo DJibouti oo Xukuumada-hooda iyo Baarlamaana-dooda ay ka dhexayso is kaashi, wada shaqayn iyo is dhameystir.

B)- Xildhibaanada Mucaaradka oo ku dooday aragti ah; in la kala ilaaliyo Xukuumadda iyo Barlamaanka si loola xisaabtamo Xukuumadda, awoodahana la kala saaro, hay’adaha Dawladana laga dhex helo Mucaarad iyo Muxaafid sidii M. Obama iyo Barlamaankii Aqlabiyadda Jamhuuriyiinta ay u wada shaqeeyeen.

2-Shacabka uu matalo Golaha Shacabka oo ka daalay is qab-qabsiga hay’adaha dawladda, culaysna ku saaray in Goluhu la shaqeeyo Xukuumadda.

3-Musharax Mursal oo lagu dhaliilay in Xukuumadu wadato taas oo loo arkay Posative halka kuwii hore lagu eedeen jiray in Dawlado Shisheeye ay wataan.

4-Mucaaradka oo looga bartay in ay la kufaan Qofkii ay qaadaan-ba sida; Xildhibaan Xidig oo ay u doorteen bilawgii sanadkii hore Gudoomiye Horu-socod, Madaxweyne Cali Cosoble, Xaaf iyo Shariif Xasan oo sigtay, Gudoomiye Thaabit iyo Jawaari oo ay galaafteen iyo Musharax Ibraahin Yarow oo ay Calankii ugu danbeeyay u qaadeen.

5-Fara-gelintii Shisheeye ee doorashada Somaaliya oo yaraatay sida ka muuqatay is casilaadii Jawaari iyo doorashadii Mursal.

6-Fikirkii iyo aragtidii Xildhibaanada Barlamaanka oo is bedeshay iyaga oo horay u jeclaa in ay mar kasta doortaan qofka cusub ee ay mucaaradku wataan lkn sanadkaan waxa ay u arkeen in dantooda iyo tan shacabka ay matalaan ku jirto doorashada Musharax ka tirsanaa Xukuumadda.

7-Xukuumadda oo 3 Culays ay horay u haysteen ayuu mid ka mid ah meesha ka baxay sida:

A)-Khilaafkii Hay’adahaha Fedaraalka iyo Mucaaradkii Xamar oo u muuqda in Xukuumadu ka guleeysatay kadib markii ay ka heshay taageerada Guddoonka iyo Aqlabiyada Golaha Shacabka.

B)-Khilaafkii Maamul-gobaleedyada iyo Fedaraalka oo weli qaar ka dhimanyahay una baahan xal u raadin.

C)-Khilaafkii Khaliijka, Xulafaysiga Gobalka iyo fara-gelinta Shisheeye oo weli saamayn ku leh dawladda iyo dawlad-nimada Somaaliya una baahan xal iyo go’aano wada jir ah.

Hadaba waxaan Talo kusoo jeedin-lahaa:

1-In Xukuumadu guusheeda baqo ku darto, lana timaado Qorshe cusub.

2-In Mucaaradku Xisaabaad-tooda Siyaasadeed dib ugu laabtaan, Qiimayn cusubna ku sameeyaan inta aysan talaab kale qaadin.

3-In Gudoomiye Mursal Cadaalad iyo Sinaan ku Hogaamiyo Xildhibaanada Mucaaradka iyo kuwa Muxaafidkaba.

4-In Xildhibaanada Mucaaradku ay aqbalaan lana shaqeeyaan Aqlabiyadda Muxaafidka inta ay Aqlabiyad ka helayaan mar danbe.

5-In loo wada jeesto difaaca Qaran-nimada, Midnimada iyo Madax-banaanida Dalka.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)