Dhalinyarada gobalka Gedo waxay la mid yihiin biyaha maro boholaha gobalka Gedo

Ayaanle Macalin Cabbeey oo ka mid ah dhalinyada firfircoon ee gobalka Gedo ayaa isoo diray farrintaan su’aasha ah ee hoos ku oqran:
Masuul waxaan rabaa inaan kula wadaago dhallinyarada gobalka gedo Masiibada goonida u haysato oo naga reebtay goballada kale ama Xamarta an maanta ku suganahay aan kaga duwannahay annagoo haysanno dhul dihan oo dekad ah haddana maankeenna kuma fooraro wax la xariiro hanaqaad horumareed dhanka siyaasadana kuma jirno oo xaquuq xitaa kama helno.
Adiga oo ah aqoonyahan wax badan ka qoro siyaasadda iyo arrimaha Somalia,sideen ku heli karnaa fakar mideysan oo wax baddala ama aan wax is bedal ah ku sameyn karno?
Laga billaabo degmo ilaa iyo tuulo malahan wax xariir siyaasadeed ah iyo dano isku dhafan,anagoo ku dhex nool marxaladda aad marqatiga ka tahay sideen ku heli karnaa fursad an kaga gudubno meesha maanta an naalno oon ubeegsan karnaa halka nalaga doonayo inaan ka muuqanno oon ka dhallinyara ahaan ku muujin karnaa doowrka anku leenahay bulshadeena?
Marka hore waxaan ka cudurdaaranaya inaanan ahayn ninki ku habboonaa su’aashaan. Maahi aqoonyahan. Takhasus gooni ah uma lihi dhibaatooyinka noocaan oo kale ah. Sidoo kale ma jirto cilmibaaris aan sameeyay oo aan ku salaynayo mushkiladda uu Ayaanle sheegay. Sidaa darteed wixii aan halkaan ku qoro waa sida ay aniga ila tahay. Maahan nas iyo arrin haysato baaris qoto dheer. Waa dood furan oo qof walba uu aragtidiisa ka dhiiban karo. Kaliya markaan ka doodno mushkilada jirto ayuu xalku noo muuqan karaa.
Dhalinyadu waa halbowlaha horumarka ummadeed. Waa shaagga uu ku dhaqaaqo isbadalku, waxaa kiciyaha bulsho huruddo. Isbadal walba oo dunida soo maray waxaa suura galiyay dhalin yaro. Bal eeg sidii dhalintii ree Madiino salka ugu dhigeen dowladdii Islaamka ee Suubbanuhu NNKH dhisay.
Dhawaanahaan kacdoonnadii isbadal doonka ahaa oo dhan dhalinyaro ayaa hoggaanka u haysay: Hadduu yahay dhaqdhaqaaqi bulshada rayidka ah ee dadka madow ee Maraykanka xaqooda lagu doonayay, midki xasuuqii Maraykanku ku hayay Fiitnaam looga soo horjeeday iyo kii darraad ahaa ee Gugii Carabta ee dhiigyacabyadii Xusni Mubaarak iyo Zaynul-caabiddiin kurisga looga tuuray.
Sidoo kale, horumarka dhaqaale, kan aqooneed iyo kan tegnoolojiyadeedba waxaa hormuudka ah dhalin yaro. Maqli maysid oday ayaa hal abuuray aalad cusub. Laga yaabo mid dhalinyaronimo ku billaabay iqtiraaq inuu da’ weyn kale ku sameeyo. Sidaa darteed dhalinta oo madasha hormuudka nolosha laga waayo waa musiibo aan la dhayalsan karin iyo dib u dhac bulsho oo dheelinayo.
Xalka arrintaan ma aan hayo oo oran mahayo sidaas iyo sidaas ha yeelo dhibka waa laga bixiye balse waxaan is leeyahay dhibka haddii la fahmo xalka waa la heli. Sida ay anigu ila tahayna muskiladdu waa hijrada.

Sanad walba waxaa da’o roobab xoog badan kuwaas oo buuxiyo bololaha waaweyn ee gobalka Gedo. Sidi aan maalin aan fogayn idinla wadaagay https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/2018/04/reer-rag-leeyahay-roob-saan-ma-u-galaa.html biyaha badan ee ay boholuhu keenaan waxay socod ku maraan dhul ballaaran iyagoo yaacayo oo ku jihaysan xaggaas iyo Wabi Jubba. Inta ay socdaan waa laga cabbaa, beero xoogaa ah ayay waraabiyaan laakiin wax kale lagama dheefo oo sidaas ayay ku dhaafaan gobalka.
Biyaha boholahaas maray waxaa la mid ah dhalinyarada gobalka Gedo. Dhammaan siddeeda dagmo ee gobalku ka kooban yahay waxay ka siman yihiin inay dhalintu ka haajirto markay soo kacaan. Hadda ka hor Axmeey Xirsi Dheere oo saaxiibkeey ah ayaa igu yiri Garbahaareey waa meel aad u yar haddana qof walba oo aan barto iyadaan ka imid ayuu leeyahaye magaaladu ma god hoose oo lagu noolaado ayay leedahay xagay intaan oo dad ah ku haysay?

Waxaan ku iri waa la isu banneeyaa. Halki ku koray ay magaalada ballaarin lahaayeen oo guryo cusub iyo suuqyo la dhisi lahaa, ayay ka hijroodaan. Marka booskoodi waxaa galo kuwa soo kacayo sidaas ayayna ku socotaa ilaa maanta. Warkaasu waa xaqiiq. Ilaa dowladdi dhexe, Gobalka sidaas ayaa looga haajirayay, joogidda dhalintuna waa inta ay dugsi-sare ka dhammaynayaan.
Hijrada iyo dhalinta
Dunida oo dhan in dhalinta daafaha ku dhalato u hijroodaan magaalooyinka waaweyn waa mid sugan. Sahan lagu sameeyay 150 dal ayaa tusay in rubac ka mid ah dhalinta ka yar 24 sano ay rabaan inay ka haajiraan deegaannadooda.
Qaaradda Afrika dhalinteeda hijro ayaa kala reebtay. Lab iyo dhadig isku si ayay nolol doon u yihiin. Cilmibaarisyo koox ah oo dalal kala duwan oo Afrikaan ah lagu sameeyay waxay tuseen in 101 dhadig ah oo ka yar 20 sano ay caasimadaha u hijroodaan marki ay 100 lab ah hijrotaba.
Hijradu had iyo jeer maahan mid taban ee marar badan waxay saamayn togan ku yeetaa meelihii laga haajiray. Tusaale, dhalinta hijrootay waxay yarayn culayska shaqo doonka oo inta hartay inay shaqo hesho u badi mushaar fiicanna la siiyo. Labo, kuwa baxay waxay soo diraan lacago wax u taro nolosha qoysaskooda ugu danbayna dagmada gaarto oo dhaqaalaha kobciso. Sadex, aqoon iyo xirfad ayay soo baran oo dib ugu soo celiyaan meelihii ay ka hijroodeen. Afar, ilbaxnimo iyo waayo-aragnimo ayay lasoo noqdaan.
Hasayeeshee, dhalinta Gedo faaiidooyinkaan lagama helo marki laga reebo hal iyo labo aan macno weyn samayn. Garbahaareey iyo Ceelcadde waa labada dagmo ee ardayda ugu badan ee dibbadda waxbarsho u aadday ay ka yimaadeen. Intaan ogahay ma jiro mid dib ugu laabtay markuu wax soo bartay. Intaan isku dayay inaan ogaado waxaan la ii sheegay hal Garbahaareey ah oo Suudaan kasoo laabtay iyo mid Ceelcadde ah oo iskoolka sare macallin ka noqday marki uu Bakistaan wax kusoo bartay ka dib. Kumannaan ayaan labo kaliya ka haynaa.
Maskaxdi iyo waayo-aragnimadi waxay la aadaan Xamar. Intooda badan shaqo kama helaan oo dhaqaale dib uguma soo celiyaan dagmooyinki ay ka yimaadeen. Sidaa darteed aqoon iyp dhaqaale toona lagama faaiido. Kuwa badan iyagaaba ka dhuro dhaqaale oo waalidkood Xamar ku biilaan.
Intaas waxaa dheer in dhalinta Gedo ay iyagoo Xamar joogo rabaan inay isbadal keenaan si la mid ah sida siyaasiyiinta gobalku aysan cag usoo dhigin meelihii ay matalayeen. Waxaa jiro qaylo iyo sawaxan kasoo yeerayo dhalinta iyo siyaasiyiinta gobalka. Eedo badan ayaa loo jeedinayaa madaxda dowladda dhexe iyo midda Jubaland. Haddana cida sharqarayso ma joogto meesha ay wax u rabeen!
Haddii aan usoo laabto su’aasha Ayaalne jawaabteeda. Dhalintu uma baahna in la mideeyo. Gobalku aad ayuu u ballaaran yahay waxaana ku nool dad badan oo kala duwan. Dhaqaale, xirfad, aqoon, siyaasad iyo hammi intaba waa ku kala duwan tahay dhalintu. Sidaas darteed inay mid noqoto ma dhici karto. Kala duwanaanshuhu sidiisaba dhib ma keeno ee isqabsiga iyo wada shaqayn la’aanta ayaa keento.
Marka waxba waqti yaan la galin in la helo hal urur oo gobalka matalo ee ha laisu xiro ururada badan ee ka jiro dagmooyinka hal dallad oo kulmiso iyagoo kala duwanna ha loo sameeyo ayaan dhihi lahaa.
Midda sideen wax ku noqonnaa waxaan ka leeyahay kaliya marki ay dhalintu ku noqto gobalki ayay wax noqon karaan, wax soo kordhin karaan waxna baddali karaan. Inta hijradu socoto dhalinta Gedo waxay la mid ahaan biyaha na maro bilo ka dibna aan ka oommannahay.
Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/