Xarunta guddiga doorashada Liibiya oo lagu qaaday weerar ismiidaamin ah

Nairobi (Caasimada Online) – Maleeshiyaad la sheegay inay ka tirsan yihiin Daacish ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday xarunta guddiga doorashada Liibiya, xili Saraakiisha guddiga ay ahaayen kuwo mashquul badan.

Weerarkan oo aad u xooganaa ayaa noqonaaya kii ugu cuslaa oo maleeshiyaadka ay geystaan muddo sanado gadaheeda oo ka dhaca magaalada Tripoli.

Weerarka ayaa waxaa fuliyay Dad isa soo miidaamiyay oo galaaftay nolosha 12 qof oo ku sugnaa gudaha xarunta, waxaana shaqsiyaadka dhintay kamid ahaa Seddex Sarkaal oo ka tirsanaa guddiga doorashada.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa iyaguna tiradooda lagu sheegay inkabadan 20 ruux oo ay ku jiraan mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsanaa xarunta guddiga doorashada.

Maleeshiyaadka ayaa ismiidaaminta ka hor rasaas ku furay shaqaalaha guddiga doorashada , waxa ayna risaas is waydaarsadeen ilaaladii xaruntaasi, waxaana xigay Ismiidaaminta.

Sidoo kale, weerarka waxa uu imaaday xili dadka codbixiyayaasha ay muddooyiinkii ugu dambeeyay wadeen in ay isu diiwaangaliyaan doorashada lagu wado in ay dalkaasi ka dhacdo dabayaaqda sanadkan.

Dhinaca kale, maamulka dalka Liibya ayaan weli ka hadal weerarka iyo khasaaraha culus ee ka dhashay.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com