Hay’adda ICRC oo war ka soo saartay afduubka Muqdisho loogu geystay gabar Jarmal ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar afduub ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaa oo loo geystay Kalkaaliso caafimaad oo Jarmalka u dhalatay kana tirsaneyd ICRC .

Afduubkan oo ay geysteen Rag hubaysan oo aan la aqoonsanin oo gudaha u galay dhismaha hay’adda ayaa gabadha kala baxay albaab ku yaalla qaybta dambe ee dhismaha.

Qoraal kooban oo kasoo baxay maamulka Hay’adda Laanqayrta Cas ee Caalamiga, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Afduubka Haweeneydaasi uu yahay mid xaqiiq ah.

Daniel O’malley oo ah Ku-xigeenka Madaxa Ergadda ICRC u joogta Somalia, ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin Ammaanka haweeneyda la afduubtay.

Waxa uu Mr Daniel O’malley xusay in gabadhaasi ay aheyd kalkaaliso maalin kasta u shaqeyn jirtey sidii loo badbaadin lahaa Nolosha Shacabka Soomaaliyeed.

Daniel O’malley, ayaa yiri ‘’wey nagu adag tahay inaan xaqiiq dhaba u helno halka ay ku sugan tahay Haweeneyda, waxaan ka qeybqaadan doonaa badbaadinteeda’’

Sidoo kale, dowlada Somalia ayuu ugu baaqay inay qaado talaabo lagu badbaadinaayo nolosha Haweeneyda ka maqan gacanta Hay’adda, si buu yiri loo helo xaqiiqda afduubka.

Docda kale, Dowlada Somalia ayaa ku guda jirta baadi-goobka Haweeneyda la afduubtay, waxaana xusid mudan inay gacanta ku dhigtay Gaariga lagu geystay afduubka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com