Shaqaalaha laan-khayrta cas (ICRC) oo Muqdisho ka baxay iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hadal-qoraal oo ay Hay’adda Laanqeyrta Cas Caalamiga ee ICRC soo saartay ayaa lagu sheegay inKalkaaliso Caafimaad oo u dhalatay dalka Jarmalka ay kooxo hubeysan ka afduubteen Xarunta ICRC-da ku leedahay magaalladda Muqdisho.

Ku-xigeenka Madaxa Ergadda ICRC u joogta Somalia, DANIEL 0’MALLEY ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin Ammaanka haweeneyda la afduubtay, wuxuuna xusay inay ahayd Kalkaaliso maalin kasta u shaqeyn jirtey sidii loo badbaadin lahaa Nolosha, loona xaqiijin lahaa Caafimaadka dadka Soomaalida ee aadka u nugul.

Dhan kale Shaqaale Ajaanib oo u shaqeeya heey’adda laan-khayrta Cas ee ICRC ayaa maanta ka baxay Magaladda Muqdishu, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan Xarunta Hey’adda ee Muqdisho.

Tiradda Shaqaalaha ee laga saaray Muqdisho waa labo ruux oo aan si rasmi ah loo ogeeyn wadamadda ay u dhashen.

Laakiin, kabixistoodu waxay imaaneeysaa kadib markii Xalay Koox hubeeysan ay Afduubteen Gabar ajanabi ahayd oo shaqaalaha ICRC ee Muqdisho ka mid ahayd.

Laama Amaanka ee Soomaaliya ayaa wada baadi goobka gabadha la Afduubtay iyo kooxihii Afduubka geeystay.

Masuuliyiinta Amaanka ayaa sheegay in mid ka mid ah Ilaaladdii ICRC uu caawiyay Afduubka.

Si kastaba ha ahaatee, Afduubkaasi ayaa yimid hal maalin kadib, markii Haweeney shaqaale ka ahayd Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee magaalladda Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

CaasimadaQ@live.com