Saddex arrin oo aadan ogeyn oo keenay inuu xilka guddoomiyaha BF ku guuleysto Maxamed Mursal

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa ku guuleystay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, kadib loolan adag oo dhex maray musharixii mucaaradka ee Ibraahim Isaaq Yarow.

Guusha Wasiir Mursal ayaa inta badan loo aaneeyay inuu taageero ka heystay Madaxtooyada iyo xukuumadii uu ka midka ahaa oo shaki la’aan xilkan u soo sharxday, gadaalna ka riixayey, laakiin waxaa jira sababo kale oo keenay inuu xilkan sida weyn loogu loolamay ku soo baxo, waxayna kala yihiin:

1- TAAGEERADA MADAXTOOYADA IYO XUKUUMADDA

Waxay ahayd qodobka ugu weyn ee ay ku tiirsaneyd musharaxnimada Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyadoo dadaal badan ay ku bixiyeen labada hay’adood inuu xilkan ku guuleysto, inkastoo aan dhaqaale loo adeegsan, haddana waxaa jiray balanqaadyo xilal iyo soo jiidashooyin kale.

Xukuumadda iyo Madaxtooyada ay taageerada kala noqdeen, xildhibaannadii taageersanaana kala wareegeen musharixiin kale oo uu ugu horeeyay Cali Maxamed Nuur (Xaaji Cali) oo la filayay inu meel fiican soo gaaro, laakiin waxaa xusid mudan in xukuumadda ay ku fashilantay inay qanciso dhammaan Musharixiintii taageerada ku lahayd oo diiday inay taageeraan Musharax Mursal.

2- SHAQASIYADDA MUSHARAX MURSAL

Qodobka labaad ee Musharaxan taageeray waxaa ka mid ahaa shaqsiyadiisa iyo deganaanshihiisa siyaasadeed oo keentay inuu noqdo shaqsiga ugu degan ugu haboon xilka marka loo eego musharixiinta tartanka kula jiray.

Wasiir Mursal wuxuu nasiib ku helay in musharaxiinta la tartamay kuwii ugu adkaa ay noqdeen saaxiibadiis ka midka ahaa xukuumadda, kuwaasoo marka loo eego uu kaga mudnaa xildhibaannada dhexdooda.

3- MUCAARADKA OO WAAYAY MUSHARAX CULUS

Fursadda kale ee Wasiir Mursal u suuragelisay inuu xilka guddoomiyaha Baarlamaanka ku soo baxo ayaa ahayd iyadoo mucaaradka dowladda ee isugu jira kooxda Qabyo ee madaxweynihii hore iyo maamul goboleedka ay waawyeen musharax culus oo meel saari kara musharaxa Madaxtooyada iyo xukuumadda.

Arrintaas waxay qasabtay in musharaxa mucaaradka uu noqdo Ibraahim Isaaq Yarow, inkastoo aanu dab yar shidin oo codad mararka qaarkood halis geliyay musharaxa dowladda uu la yimid, haddana waxay arrintani keentay in dhammaan musharixiintii kale sida C/casiis Lafta-gareen iyo Shariif Maxamed Cabdalla oo wareega labaad u soo gudbay ay taageeraan Musharaxa dowladda ee Wasiir Mursal.

GABAGABO

Dad badan ayaa aaminsan in doorashadii xilka guddoomiyaha Baarlamaanka loo doortay Maxamed Mursal ay dowladda Soomaaliya ka dhigtay mid dhinac u wada jeeda, ayna xilalkii sare ee dalka wada qabteen saaxiibo isku ujeedo ah, laakiin waxaa adkaan doonta in jid qura ay wada raacaan 2760ka xildhibaan ee Baarlamaanka oo haddaba ay soo shaac baxday inay 120 ka mida mucaarad ku yihiin dowladda Farmaajo iyo Kheyre, kuwasoo haddii ay helaan 20 kale awood u leh inay muddo kadib ridaan xukuumadda Kheyre.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

CaasimadaQ@live.com