Dowladda oo shaacisay inay beddashay ‘taatikadii dagaalka’ iyo natiijada

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa markii u horeysay shaaciyay in dowladda “ay wax ka badashay taatikadii dagaal” ee ku wajahaysay Shabaab, taasi oo toddobaadkii u dambeeyay horseeday guulo waaweyn.

Taliye Biixi oo la hadlay Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in dowladda ay xooga saartay muddooyinkii dambe magaalooyinka muhiim ah, halka markii hore deegaan qabasho iyo is-ballaarin uu ku socday qorshaha dagaal.

“Magaalooyinka waa meelaha ay adeega ka helayeen ee biyaha ka helayeen, marka ninka haddii magaaladii iyo ceelasha loo fariisto haddii god cidlo ah galo imisa ayuu ku jiri karaa,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Ahmiyad gaar ah ayaa siinayna xoreynta magaalooyinka waaweyn, si loo go’doomiyo kooxda oo waa lasoo afjari doona maalmaha soo socda Shabaab-ka ku sugan Galmudug.”

Taliyah ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay ku hareereyeen gobolka Galgaduud, islamarkaana aysan jirin meel ay hubka ula faka-doonaan kooxda, oo saacadihii lasoo dhaafay laga qabsaday degmooyin muhiim u ahaa.

Ugu dambeyntiina waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay sii xoojiyaan howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab, loona diido lacagta ay markii hore baada iyo xoogga ku qaadan jireen.

Ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ayaa shalay iyo maanta la wareegay degmooyin muhiim u ahaa Al-Shabaab, oo ay kamid tahay Xarardheere oo ay kala soo degi jireen hubka iyo sahayda kale.

Howl-galada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa haatan si weyn ugu sii fidaya dalka oo dhan, ayada oo tan iyo markii ay billowdeen kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana looga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.