Gudiga doorashada kuraasta dhiman ee BF oo qaaday tallaabo shaki dhalisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta magacaabay Xoghayaha guud ee guddiga.

Guddoomiye Cabdi Xiis ayaa waxa uu xilkaan u magacaabay Cabdiraxiim Cabdullaahi Shaafici, oo ah La-taliye Sare oo ka tirsan xafiiska wasiirka waxbarashada, horena u ahaa shaqaale ka tirsan wasaaradda caddaaladda.

“Anigoo ku kalsoon (Shaafici) aqoonta iyo khibradda shaqo ee uu leeyaay waxaan u rajaynaa inuu u guto waajibaadkiisa shaqo si waafaqsan hanaanka doorashada,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga, Cabdi Xiis.

Sidoo kale warqada magacaabista ee uu soo saaray guddoomiyaha guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka baarlamaanka ayaa lagu faray in cidkasta oo ay khusaysayo la shaqeeyaan Xoghayaha guud ee guddiga.

Magacaabistan ayaa waxaa ka wada socda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare iyo dhamaan xubnaha guddiga KMG ee ka shaqeynaya buuxinta kuraasta bannaan, sida laga fahmi karo warqada kasoo baxday guddoomiye Cabdi Xiis.

Cabdiraxiim Cabdullaahi Shaafici ayaa ujeedada ka dambaysa magacaabistiisa lagu sheegay “sidii uu u fududeyn lahaa in Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir uu kusoo laabto kursiga HOP#086 ama qof uu wato loo xiro.”

Wasiir Faarax ayaa wada laba qorsho oo ah inuu isaga kursiga qaato iyo inuu kursiga u xiro musharax aad ugu dhaw Villa Somalia, oo lagu magacaabo Dr. Maxamed Xaaji Axmed, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Dr. Maxamed Xaaji ayaa wuxuu hogaamin jiray garabka Damul-Jadiid ee Al Islaax, wuxuuna haatan xubin ka yahay hay’adda culimada Soomaaliyeed iyo guddiga gurmadka Abaaraha.

Dr. Maxamed ayaa lagu warramay inuu taageero weyn ka haysto Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo asagu ah xildhibaankii hore ugu fadhiyay kursigan, kana mid ah shaqsiyaadka ku dhow madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxaa go’aankan la qaba kooxda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasi oo doonaya inuu tartan la’aan ku qaato kursigan Dr. Maxamed Xaaji Axmed, oo ah qof aan hore loogu aqoonin arrimaha siyaasadda.

Arrintaan ayaa u muuqata inay soo afmeerayso rajadii Fahad Yaasiin uu uga mid noqon lahaa baarlamanka 11-aad. Fahad ayaa waxaa kursigan horey uga hor-istaagay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen rooble.

Kursigan ayaa haddii musharax loo xiro waxay muujin doontaa kala wareeg mabda’ oo ka yimid dhanka madaxweyne Xasan Sheekh, oo muddadii uu banaanka ka joogay Villa Somalia aad ugu dhaliili jiray madaxweyne Farmaajo inuu musuq-maasuqay kuraasta baarlamanka qaarkood.