Qoor Qoor oo ku dhawaaqay qorshe doorasho oo la xiriira deegaanada la xoreeyay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa sheegay in degmooyinka laga xoreeyay kooxda ay yeelan doonaan maamulo ay soo doortaan dadka deegaanka.

Qoor-Qoor aya sidoo kale waxa uu sheegay in maamulada loo magacaabayo degmooyinka laga qabsadayay Shabaab ay si kumeel-gaar ah usii shaqeynayaan, si loo gaarsiiyo “doorasho dadka deegaanka ay ku dooranayaan maamulka metalaya.”

“Maamulka lasii magacaabo waa mid si KMG ah loo sii magacaabayo, deegaanada xorta ah ee Galmudug waxaa dhamaan ka hirgalay maamulo dadku ay doorteen, kuwaan waxa aan u rabnaa sidaas oo kale, maamulada aan magacaabeyno waa KMG oo doorasho gaarsiinayo, dib u xorreynta ayay qayb ka tahay in maamul la sameeyo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sababta sida degdegta ah loogu sii magacaabayo maamulo KMG ay tahay in laga shaqeeyo howlaha amniga lagu sugayo, si marka qorshahaas uu dhammaado loo qabto doorashada Golaha deegaanka, sida uu sheegay.

“Marka Cadawga laga xorreeyo deegaanada kadib in aan dadka soo celino waxaana ugu baaqeynaa in dadka maqan dib usoo laabtaan si aan ugu sameyno qorshaha xasilinta, cid u adeegto ma lahayn, waxaana codsaneynaa in nalagu garabsiiyo arrintaan.”

Qoor-Qoor ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in maamul ahaan ay adeegyada bulshada ka hirgelin doonaan degmooyinka gacanta dowlad-goboleedka soo galay sida; waxbarashada, caafimaadka iyo garab istaagga dadka gacan qabashada u baahan.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in ciidamada dowladda federaalka, Daraawiishta iyo dadka deegaanka ay saaxiibada beesha caalamka ka garabsiiyaan duqeynta diyaaradaha aan duulliyaha lahayn (Drones).

Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa waxaa dhawaan si rasmi ah uga billowday howl-galada lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin maamulkaasi, kuwaasi oo durtaba laga gaaray guulo waaweyn.