Daawo: Koonfur Galbeed oo sameysay arrin kasii dareysa xiisadda siyaasadeed

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in maanta ciidamada Koonfur Galbeed ay qaadeen tallaabo kale oo uga sii dareyso xiisadda ka taagan Baydhabo, taas oo caro sii gelisay xubnaha mucaaradka ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa lagu soo warramayaa in ay markale gudaha u galeen guriga Musharrax Maxamed Aadan Fargeeti, isla-markaana ay halkaas jirdil ugu geystaan qaar ka mid ah askartii ku sugneyd halkaas, sida uu shaaciyay Ilyaas Cali Nuur.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Koonfur Galbeed  ayaa ku eedeeyay ciidanka Lafta-gareen in ay xittaa qoryihii ka qaateen illaada guriga, kadibna ay garaaceen, sida uu ku dooday.

“Guriga odayaashii ballanta laga qaaday ee furihii lagu wareejiyay saddexdii askari ee joogtay in loo imaado kadibna ay qoryihii ka qaataan oo ay garaacaan sax maa ah. Fidnaa la rabaa dhibaataa lala rabaa Baydhabo,” ayuu yiri wasiirkii hore Warfaafinta K/Galbeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada guriga soo galay ee dhibaatada geystay ay soo daba mareen ciidamada la socdo madaxweyne Xasan Sheekh oo iyagu yimid guriga, kadibna askar saartay qaybta sare, si u ilaaliyaan madaxweynaha oo booqanaya halkaasi, balse waxa uu sheegay inay goobta yimaadeen ciidamada  kale ee falka geystay.

“Taliye Xasan aniga ayaa la hadlay albaabka ka fur ayaan dhahay marka uu yiri Xasan Sheekh askartiisa ayaa nahay ayaan dhahay halaga furo kor ayaa askar la saartay gaadaashiis ayaa lasoo maray dhibaatadaas ayaa la gaarsiiyay,” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu farriin cad u diray madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka, isaga oo uu ugu baaqay inay fiiro gaar ah u yeeshaan dhacdadaasi.

“Xasan Sheekhow nabad meeshaan kama imaaneyso dhibaataa ujeednaa, cidna lama maquuni karo,” ayuu markale yiri wasiirkii hore ee warfaafinta Koonfur Galbeed.

Dhacdadan ayaa ku soo aadeyso, ayada oo xalay uun kulan foolka fool ah la’isugu keenay madaxweyne Lafta-gareen iyo xubnaha mucaaradka, si loo soo afjaro xiisadda taagan, waxaana sidoo kale haatan Baydhabo ka socdo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Si kastaba, labadaan dhinac ayaa horey ugu dagaalamay magaalada Baydhabo, kadib gacan ka hadal ka dhashay muddo kororsiga loo sameeyay madaxweyne Lafta-gareen.