Sawirro: Madaxweyne Xasan oo isu keenay Lafta-gareen iyo xubnaha mucaaradka

Baydhaba (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan foolka fool ah oo xalay la’isugu keenay madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo xubnaha mucaaradka ee aragti ahaan kasoo horjeeda, kaas oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe oo hadda ku sugan magaaladaasi kuwaas oo ku guuleystay inay isu keenaan labada dhinac.

Xubnaha mucaaradka ayaa waxaa ka socday Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo horay usoo hoggaamiyay Koonfur Galbeed, Maxamed Aadan Fargeeti oo isna horay usoo noqday Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirkii hore ee Dekadaha Soomaaliya Mudane Yuusuf Macallin Aamiin (Baadiyo) halka dhinaca kale shirkan uu goobjoog ahaa madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Qoraal kasoo baxay shirka oo ay shaacisay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in kulankan uu kusoo dhamaaday is afgarad, isla-markaana lagu ballamay in wadahadallada iyo dib u heshiisiinta lasii wado, si xal waara looga gaaro xiisadda Koonfur Galbeed.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta deegaanka ee ka aragtida duwan maamulka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Villa Soomaaliya waxa ay shaaca ka qaaday in madaxweynaha uu muhiimad gaar ah siiyay arrinta Koonfur Galbeed, si xal looga gaaro khilafka ka taagan maamulkaasi.

“Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyadda Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed u leeyahay Nabadda, Wadajirka iyo Horumarka deegaanka isaga oo xusuusiyay Madaxda ka qayb galeysa in ay Shacabku ka sugayaan natiijo wax-tar u leh mustaqbalkooda,” ayaa markale lagu yiru warka qoraalka aah ee ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa sidoo kale kulankan lagu soo hadal qaaday weerarkii ciidanka ammaanka ay dhowaan ku qaadeen guriga musharrax Fargeeti, kaas oo oo geystay khasaare kala duwan, wuxuuna musgarraxa meesha ka sheegay dacwaddiisa, isaga oo dalbaday in dhammeytiro xalka arrintaas, maadaama hadda lagu guuleystay inay ciidamada laga saaro dhismaha guriga oo ay maalmo heysteen kadib dagaalkii Baydhaba.

Xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana xiisaddan ay ka dhalatay muddo kordhinta loo sameeyay madaxweynaha maamulkaasi.

Si kastaba, waxaa haatan laga war dhowrayaa natiijada kasoo baxda shirweynaha dib u heshiisiinta ee Baydhabo, kaas oo la filayo in go’aan rasmi ah looga gaaro xiisadda taagan.