Lafta-gareen oo hal arrin ka ogolaaday mucaaradkiisa

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo khudbad ka jeediyay furitanka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa dabacsanaan u muujiyay mucaaradka kasoo horjeeda.

Laftga-gareen ayaa shaaca ka qaaday inuu ogol-yahay in wadahadal uu la galo xubnaha mucaaradka ee diidan muddo kororsiga ay u sameeyeen Golaha Wakiiladu.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in haatan uu diyaar u yahay in wadahadal, deganaan iyo nabad lagu dhammeeyo colaadda ka jirta Koonfir Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in muhiim tahay in loo jeesto dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, si go’doonka looga qaado magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.

“Waxa la isku haysto waxaa waaye, labo nin oo aan timo lahayn oo shanlo isku dagaalayso. Ninkii la siiyo wuxuu ku shanlaysto maleh. Marka aan timo helno, ayaan shanlada isku qabsan karnaa. Timaha aan helayno waxaa weeye dalkii, dadkii iyo deegaankii Koonfur Galbeed,” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan uu socdo shirka Koonfur Galbeed oo ay ka qayba-galayaan labada dhinac, kaas oo uu shalay furay madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ku guuleystay inuu isku keeno madaxweyne Lafta-gareen iyo xubnaha mucaaradka, kulankaas oo billow u ah wadahadalka labada dhinac.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta deegaanka ee ka aragtida duwan maamulka,” ayaa lagu yiri qoraal ayaa shaacisay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in madaxweynaha uu muhiimad gaar ah siiyay arrinta Koonfur Galbeed, si xal looga gaaro khilafka ka taagan maamulkaasi.

“Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyadda Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed u leeyahay Nabadda, Wadajirka iyo Horumarka deegaanka isaga oo xusuusiyay Madaxda ka qayb galeysa in ay Shacabku ka sugayaan natiijo wax-tar u leh mustaqbalkooda,” ayaa markale lagu yiru warka qoraalka aah ee ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Xaaladda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaase haatan laga war dhowrayaa natiijada kasoo baxda shirweynaha dib u heshiisiinta ee Baydhabo, kaas oo la filayo in go’aan rasmi ah looga gaaro xiisadda taagan.