Xasan Sheekh oo shaaciyey halka laga billaabayo wajiga labaad ee dagaalka Shabaab

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baydhaba ka sheegay dhawaan lasoo afjarayo Shabaab-ka ka dagaalamaya Galmudug iyo HirShabeelle, isla markaana wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ay dowladdu ka bilaabi doonto K/Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalkaan laga soo bilaabi doono xadka Itoobiya, isla markaana la wedi doono ilaa badweynta Hindiya, si loo dhameeyo Shabaab-ka dhulkaas ku sugan.

“Siyaasadda dwoladda maanta waa in dalkaan Shabaab laga xoreeyo, waxaan rabaa in gaarigii Baydhaba ka soo baxa uu si nadiif ah Xamar u yimaado, hadaan Shabaab ka xoreyno uma ogolaa doono tuug isbaari taagan, waa balan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowladdu ay diyaarisay ciidan xoog leh oo isku filan una diyaarsan inay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyaan dalka inta ay ka joogaan.

“Markii aan galnay dagaalka ka socda gobollada Galmudug iyo iyo HirShabeelle, maanta waa ka khibrad badanahay, waxaan barangay xeeladaha Al-Shabaab, ciidan badan ayaan heynsanaa maanta, niyadeenu waxay noo sheegee oo aan xaqiijinay in Shabaab aan ka adag nahay, waqti badan nooga bixi maayo dagaalka lagu xoreynayo deegaanada ay uga hareen labadaas dowlad goboleed,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka sheegay furitaankii shirka siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed, wuxuuna fariin u diray dhalinyarada weli ku jirta Al-Shabaab.

“Aniga ka madaxweyne ahaan hadafkeygu waa in dalkaan uu Shabaab la’aan noqdo, idinma dhahaayo daaro dhaadheer ayaan idiin dhisaa, laakiin waxaan abuureynaa duruuf sababi karta in dalkaan la maalgashado oo nabad la isku laheyn karo ay ka dhalato Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jirta fikirka Al-Shabaab in ay ka soo laabtaan, isagoo cafis u fidiyey mid kasta oo ka mid ah oo u soo laabta dadkiisa iyo dalkiisa, dowladduna ay diyaarisay qorshe dhaqancelin iyo nolol wanaagsan looga sameynayo dhallinyarada ay khaldeen Al-Shabaab.

“Duruuf kasta ku raac Al-Shabaab waxaan maanta idiin cadeynayaa ninkii kasoo baxa Al-Shabaab cafis waaye, cafis kaliya maahane waxay dowladdu diyaar u tahay in nolol fiican ay helaan dadka ka soo baxa Al-Shabaab,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa calool-xumo ka muujiyey dhalinyarada ku dhimaneysa fikirka Al-Shabaab, “Xawaadley oo u dambeysay ciidan iyo saraakiil qaali ah ayey nooga dileen, laakiin difaaca dalkooda ayey u dhinteen, Allaha u naxariisto,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa waalidiinta dhashay dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab wuxuu ugu baaqay inay wacdaan wiilashooda oo inta aan la dhameyn ay ka gaaraan wixii diyaar u ah inay ka soo haraan kooxda.