BANKIGA DHEXE oo ku dhowaaqay daabicidda lacag beddeli doonta 1,000-shilling

Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay qorshe uu ku beddelayo lacagta kaliya ee dalka uu leeyahay kahor sanadka xigga si wax looga qabto lacagaha been abuurka ah. 

Lacag 1,000-shilling ah oo dib loo naqshadeeyey ayaa lagu beddeli doonaa lacagta hadda jirta oo markii ugu dambeysay la daabacay kahor inta aanu billaaban dagaalkii sokeeye 1991-kii, waxaa sidaas sheegay guddoomiye ku-xigeenka Bankiga Dhexe Cali Yaasiin Wardheere oo wereysi siiyey warbaahinta Bloomberg.

Lacagtii hore ayaa qarka u saaran inay meesha ka baxdo, soo saarista cusubna waxay la-dagaalami doontaa lacagaha sharci darrada ah iyo in la-xakameeyo sicir-bararka iyadoo la baabi’inayo lacagaha xad dhaafka ah, ayuu yiri Cali.  

Lacagta shillinka ah ee weli suuqa ku jirta ayaa ah mid aad u duugowday, waxaana lagu beddelay lacago dollar ah ama lacago si gaar ah loo daabacay oo intooda badan ah lacago been abuur ah. 

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa tan iyo 2018-kii ku howlanaa beddelka lacagta iyo soo-saarista lacag qiime sare leh, isagoo kaashanaya hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka, ayuu yiri Cali Yaasiin Wardheere.

Bankiga Dhexe waxa uu sidoo kale dib-u-dhisayaa awooddisa, oo uu la degay dagaalkii sokeeye. 

Bangiga Dhexe ayaa qorsheynaya in bisha June ee sanadkan uu xarumo cusub ka sameeyo caasimadaha dowlad goboleedyada sida Garoowe, Baydhaba iyo Kismaayo, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka oo la magacaabay bishii November. 

Laamahan waxay ka caawin doonaan Bankiga Dhexe uruurinta canshuuraha, keydinta lacagaha iyo inay noqdaan wakiilka dhexe ee maaliyadda ee dowlad goboleedyada, ayuu yiri. 

Bankiga ayaa sidoo kale sameeyay cutub “si gaar ah ugu heellan la-dagaalanka suuqa lacagaha been abuurka ah,” ayuu yiri Cali. 

Cutubkan ayaa sidoo kale mas’uul ka noqon doontaa ilaalinta qiimaha lacagta cusub ee Bankiga Dhexe uu qorshaynayo inuu daabaco, taasina ay gacan ka geysato xakameynta sicir-bararka, ayuu yiri.