Dowladda oo soo saartay amar wax looga mamnuucayo Kismaayo.

Warsaxaafadeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celinaysa in la mamnuucay dhoofinta dhuxusha, iyadoo u hoggaansameysa qaraar ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo lagu boorriyay dowladda inay ka hor tagto tallaabo kasta oo lagu doonayo in lagu dhoofiyo dhuxusha, maadaama dhoofinta dhuxusha ay halis ku tahay deegaanka.

Sidaa daraadeed, waxay dowladdu walaac qoto-dheer ka muujinaysaa cid kasta oo ku xadgudubta qaraarka Golaha Ammaanka ee mamnuucaya dhoofinta dhuxusha, waxayna qaadi doontaa tallaabooyin ay ku xoojinayso sidii looga hortegi lahaa ku xadgudubka sharciga mamnuucaya dhoofinta dhuxusha.

Dowladda federaalku waxay mahad ballaaran u jeedinaysaa guushii ay ciidamada Midowga Afrika ka gaareen gacan ku dhigista magaalada Kismaayo, waxayna sidoo kale hoggaamiyeyaasha ka soo jeeda magaalada Kismaayo ku boorrineysaa inay muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya iyo danahooda gaarka ah ay ka hor mariyaan midda guud si loo hubiyo adkeynta ammaanka iyo soo celinta kalsoonida shacabka.

Dowladda Soomaaliya waxay meel cad ka taagan tahay in dekedda Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha ay yihiin kuwo u furan, dadka Kismaayo, isla markaana fududeynaya sidii shacabka loo gaarsiin lahaa gargaarka bini’aadannimo, iyadoo dowladda ay ku boorrinayso ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda inay sii wadaan howsha ay ku sugayaan ammaanka ilaa iyo inta laga dhisayo maamul kumeel gaar ah.

Waa mid iska cad in dadka deegaanka ay khaatiyaan ka taagan yihiin jahawareerka siyaasadeed, hoggaamiye kooxeedyada iyo kuwa mayalka adag, balse ay u baahan yihiin ammaan, xasilooni, helista waxyaabaha daruuriga ah iyo mustaqbal wanaagsan, sidaas daraadeed dhuxusha hadda ku xareysan dekedda Kismaayo waxay ku jiri doonaan meesheeda inta ay dowladdu go’aan ka soo saareyso.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay u hoggaansanto qaraarka Golaha Ammaanka ee tiriskiisu uu yahay 2036 waxayna soo jeedinaysaa in la adkeeyo mamnuucista dhoofinta dhuxusha, waxayna diyaar u tahay inay gurmad u fidiso dadka magaalada Kismaayo iyadoo qaadeysa tallaabooyin ay isugu dubba-rideyso sidii gargaar halkaas loo gaarsiin lahaa, isla markaana ay hadda waddo qorshe markab gargaar sida loogu dirilahaa shacabka Kismaayo.