28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Dowladda oo xog ka bixisay dagaalka Imaaraadka kala dhaxeeya iyo arrimo dhacay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Go’aankii Soomaaliya ay ku laashay dhammaan heshiisyadii kala dhexeeyay Imaaraadka Carabta wuxuu ahaa mid sharci ah, lagama maarmaan u ahaa ilaalinta madax-bannaanida qaranka, nidaamka dastuuriga ah iyo midnimada dalka, waxaa sidaas yiri wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad).

Cali Balcad ayaa beeniyey sheegashooyinka ah in tallaabadani ay ahayd mid degdeg ah ama mid xasilooni-darro abuuraysa. 

Go’aankan, oo Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay ansixiyeen 12-kii Janaayo, ayaa yimid kadib sannado ay Muqdisho sheegtay inuu jiray xiriir cakiran oo kala dhexeeyay Abu Dhabi, kaas oo salka ku hayay iskaashiga amniga iyo hawlgallada dekedaha ee ay la galeen dowlad-goboleedyada, iyagoo aan soo marin dowladda dhexe.

Maqaal ra’yi ah oo uu ku qoray Al Jazeera English, Cali Balcad ayaa sheegay in dowladdu ay tallaabadan qaaday kadib “dulqaad muddo dheer qaatay” iyo isku-dayo diblamaasiyadeed oo soo noqnoqday, kuwaas oo lagu guul-darreystay in wax looga qabto waxa uu ku tilmaamay heshiisyo shisheeye oo baal-marsan dastuurka.

“Samirka dowladda Soomaaliya ma ahayn mid aan xad lahayn ama shuruud la’aan ah,” ayuu qoray Cali Cumar, isagoo ku dooday in iskaashiga lala sameynayo dhinacyada shisheeye uu isku beddelayo “faragelin sharci-darro ah” marka uu baal-maro hay’adaha federaalka ee la aqoonsan yahay, isla markaana uu kala dhantaalo awoodda qaranka.

Awoodda dowladda

Xudunta khilaafka ayaa salka ku haysa heshiisyada amniga iyo dekedaha ee lala galay Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo — oo ah xarummo istiraatiiji ah oo ku yaalla maamullada Somaliland, Puntland iyo Jubbaland — kuwaas oo Muqdisho ay sheegtay in la saxiixay iyadoon oggolaansho laga haysan dowladda federaalka.

Wasiiru-dowlaha ayaa sheegay in madax-bannaanida qaranku ay waajibinayso in xiriirrada siyaasadeed, kuwa amni iyo kuwa dhaqaale ee lala yeelanayo dalalka shisheeye ay si gaar ah u soo maraan hay’adaha qaranka. Wuxuu ka digay in heshiisyada barbar-socodka ah ee lala galayo maamullada hoose ay si tartiib-tartiib ah u wiiqayaan jiritaanka dowladnimada.

“Marka iskaashiga amnigu uu ka shaqeeyo meel ka baxsan kormeerka federaalka, ama heshiisyada dekeduhu ay wiiqaan awoodda qaranku u leeyahay hantidiisa istiraatiijiga ah, waxaa halkaas ku duma nidaamka dastuuriga ah,” ayuu yiri.

Dowladda Soomaaliya waxay ku adkeysanaysaa in laalista heshiisyadan aysan ka dhignayn in la diidayo xiriirka caalamiga ah, balse ay tahay dalab ku aaddan in iskaashigu uu ku dhaco “qaab hufan, oo dowlad-la-dowlad ah,” kuna saleysan sharciga caalamiga ah.

Dadka dhaliilaya tallaabadan ayaa ka digay in joojinta heshiisyada ay carqaladeyn karto amniga iyo ganacsiga, gaar ahaan gobollada ku tiirsan dekedaha. Balse, Cali Cumar ayaa walaacyadaas ku tilmaamay “fikir gaaban” oo aan fahansanayn dhismaha dowladnimada.

“Waddamada jilicsan kuma xasilaan in loo dulqaato awoodo kala daadsan oo ay dano shisheeye wadaan,” ayuu qoray, isagoo raaciyay in xasilloonida fog ay ku xiran tahay hay’ado dowli ah oo mideysan iyo nidaam kala-dambeyn oo cad. Wuxuu sheegay in dowladdu ay dejisay habab lagu xaqiijinayo sii socoshada hawlgallada dekedaha iyo amniga, oo ay ku jirto isticmaalka shirkado caalami ah oo dhex-dhexaad ah haddii loo baahdo.

Loolanka gobolka

Khilaafkan ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro loolan siyaasadeed oo xooggan oo ka jira Badda Cas, Gacanka Cadan iyo guud ahaan Geeska Afrika, halkaas oo dekedaha iyo iskaashiga amnigu ay noqdeen hanti istiraatiiji ah oo lagu loolamo.

Cali Cumar ayaa ka digay in isticmaalka dhulka Soomaaliya si loogu fuliyo dano shisheeye ama ajandayaal goboleed ay khatar ku tahay ma ahan oo kaliya Soomaaliya, balse sidoo kale ganacsiga iyo xasilloonida gobolka, isagoo xusay in Soomaaliya oo mideysan ay tahay “hanti u taal gobolka iyo caalamkaba.”

“Muddo aad u dheer, Soomaaliya waxaa loola dhaqmayay sidii aalad loo adeegsado siyaasadda gobolka, halkii ay ka ahaan lahayd dowlad leh xuquuq caalami ah,” ayuu qoray.

Go’aanka Golaha Wasiirrada ayaa noqonaya mid ka mid ah tallaabooyinka ugu adag ee lagu xoojinayo awoodda federaalka tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xafiiska ku soo laabtay 2022-kii, xilli Muqdisho ay doonayso inay dib u soo ceshato gacan-ku-haynta siyaasadda arrimaha dibadda, difaaca iyo kaabayaasha istiraatiijiga ah.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in wada-hadalka Imaaraadka uu weli furan yahay, balse uu ku xiran yahay oo kaliya xuduudaha dastuuriga ah.

“Wada-shaqeyntu waa mid la soo dhaweynayo,” ayuu qoray Cali Cumar, “balse mabaadi’da qaranku gorgortan ma galaan.”

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News