28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Mareykanka oo soo saaray go’aan cusub oo ka dhan ah Soomaaliya iyo 75 dal oo kale

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadii ku dhawaaqday inay muddo aan la cayimin hakisay bixinta dal-ku-galka soo-galootiga ee muwaadiniinta 75 waddan, oo ay ku jiraan Soomaaliya, Ruushka, iyo Iiraan.  

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe ciriiri lagu gelinayo ajaaniibta ay dowladdu u aragto inay u badan tahay inay u baahdaan kaalmada dowladda (Public Charge).

Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in hakintan ay dhaqan-geli doonto 21-ka Janaayo.  

Waddamada ay saameyneyso waxaa ka mid ah Soomaaliya, iyo kuwa Latin Amerika sida Brazil, Colombia, iyo Uruguay; dalalka Balkans-ka sida Bosnia iyo Albania; dalalka Koonfurta Aasiya sida Pakistan iyo Bangladesh; iyo waddamo badan oo ku yaalla Afrika, Bariga Dhexe, iyo Kariibiyaanka. 

“Waaxda Arrimaha Dibadda waxay adeegsan doontaa awooddeeda sharci ee soo jireenka ah si ay u diiddo dadka soo-galootiga ah ee loo arko inay culeys ku noqon karaan dowladda Mareykanka, isla markaana ka faa’iideysan kara deeqsinimada dadka Mareykanka,” ayuu yiri Tommy Pigott, oo ah ku-xigeenka koowaad ee Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda.

Wuxuu intaas ku daray: “Bixinta fiisooyinka soo-galootiga ee 75-kan waddan waa la hakinayaa inta ay Waaxda Arrimaha Dibadda dib u qiimeyneyso habraacyada socdaalka, si looga hortago soo-galitaanka ajaaniibta qaadan doona cayrta iyo manfacyada dadweynaha.”

Go’aankan ayaa ka dhigan in ay weli sii socdaan tallaabooyinka uu maamulka Trump ku beegsanayo Soomaalida.

Maamulka ayaa asbuucan sidoo kale u dhaqaaqay inuu soo afjaro barnaamijka Ilaalinta ku-meel-gaarka ah (TPS) ee Soomaaliya, kaas oo ahaa sharci bani’aadannimo oo la cusbooneysiinayay tan iyo 1991-kii. Soomaalida uu sharcigani saameynayo waa inay dalka Mareykanka uga baxaan ugu dambeyn 17-ka Maarso, 2026.

Go’aankan joojinta dal ku-galka 75-ka dal, oo markii ugu horreysay ay baahisay Fox News, ma saameynayo fiisooyinka dalxiiska iyo booqashada, kuwaas oo muhiimad gaar ah leh maadaama Mareykanku uu martigelinayo Koobka Adduunka ee 2026 iyo Ciyaaraha Olombikada ee 2028. 

Tallaabadan ayaa daba socota amar bishii November la siiyay diblamaasiyiinta Mareykanka, kaas oo farayay inay hubiyaan in dadka fiisaha codsanaya ay yihiin kuwo dhaqaale ahaan isku filan, oo aan halis ugu jirin inay ku tiirsanaadaan kaalmada dowladda inta ay joogaan Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa waday olole socdaal oo ballaaran tan iyo markii uu xafiiska ku laabtay bishii Janaayo. Maamulkiisu wuxuu xoogga saaray fulinta sharciga socdaalka, isagoo ciidamo federaal ah geeyay magaalooyinka waaweyn, taasoo dhalisay isku-dhacyo rabshado wata oo dhex maray soogalootiga iyo muwaadiniinta Mareykanka qaarkood.

Inkasta oo uu ololihiisa ku galay joojinta socdaalka sharci-darrada ah, maamulkiisu wuxuu sidoo kale adkeeyay socdaalka sharciga ah (Legal Immigration) – tusaale ahaan, waxaa la soo rogay khidmado cusub oo qaali ah oo lagu soo rogay codsadayaasha fiisaha H-1B ee shaqaalaha xirfadda sare leh.

“Maamulkan wuxuu caddeeyay inuu leeyahay ajandaha ugu adag ee ka dhanka ah socdaalka sharciga ah taariikhda Mareykanka,” ayuu yiri David Bier, Agaasimaha Daraasaadka Socdaalka ee Cato Institute.

“Tallaabadan waxay mamnuuci doontaa ku dhawaad kala bar dadka sida sharciga ah ku imaan lahaa Mareykanka, iyadoo celin doonta qiyaastii 315,000 oo soogalooti sharci ah sanadka soo socda oo kaliya,” ayuu raaciyay Bier.

Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa Isniintii sheegtay inay laashay in ka badan 100,000 oo fiiso tan iyo markii uu Trump xafiiska la wareegay. Sidoo kale, waxaa la adkeeyay baaritaannada baraha bulshada iyo hubinta guud ee dadka codsanaya fiisooyinka.

Liiska Waddamada la Saameeyay

Sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah, liiska waddamada ay saameynayso hakinta fiisaha waxaa ka mid ah:

Afgaanistaan, Albania, Aljeeriya, Antigua iyo Barbuda, Armeeniya, Asarbayjaan, Bahamas, Bangladesh, Barbados, Belarus, Belize, Bhutan, Bosnia, Brazil, Burma, Kambodiya, Kamiruun, Cape Verde, Kolombiya, Koongo, Kuuba, Dominica, Masar, Ereteriya, Itoobiya, Fiji, Gambia, Georgia, Gaana, Grenada, Guatemala, Guinea, Haiti, Iiraan, Ciraaq, Ivory Coast, Jamaika, Urdun, Kazakhstan, Kosovo, Kuwait, Kyrgyzstan, Laos, Lubnaan, Liberia, Liibiya, Macedonia, Moldova, Mongolia, Montenegro, Marooko, Nepal, Nicaragua, Nigeria, Pakistan, Jamhuuriyadda Koongo, Ruushka, Rwanda, Saint Kitts iyo Nevis, Saint Lucia, Saint Vincent iyo Grenadines, Senegal, Sierra Leone, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Suudaan, Suuriya, Tansaaniya, Thailand, Togo, Tunisia, Uganda, Uruguay, Uzbekistan iyo Yemen.

- Advertisement -

Read more

Local News