28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Kadib go’aankii DF, Imaaraadka oo laga diiday codsi uu ku daabulanayo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Wasiirrada Soomaaliya uu ku baabi’iyey dhamaan heshiisyadii Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, Dubai ayaa soo dirtay codsi cusub.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa soo gudbistay in loo fasaxo diyaarado dheeraad ah oo ay agab ciidan ku qaadato, balse Xukuumadda Soomaaliya ayaa diiday.

Kadib diidmada, illo diblumaasiyadeed ayaa sheegaya in Dubi ayaa codsatay in dal kale uu agabkeeda u daabulo. Inkastoo weli aan la xaqiijin in dalabka kalena ay Dowladda Federaalka aqbashay iyo inkale.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay khudbad u jeediyey shacabka ayaa caddeeyay in ilaalinta Midnimada ay wax walba u hurayaan, isagoo ku goodiyay inay tallaabooyin dheeraad qaadayaan.

“Waxaan rabaa in aan dadka Soomaaliyeed u caddeeyo in Dowladda Imaaraadka Carabta aan la lahayn xiriir wanaagsan oo dhankeena ah oo aan u galnay si niyad-samaan iyo qalbi furnaan ah. Nasiib darro, Imaaraadku nooma uusan dhaqmin sidii dowlad mid ah oo madax-bannaan,” ayuu yiri madaxweynuhu.

“Intaas ka dib, weli maanaan deg-degin; marar badan ayaan ka dalbanay Dowladda Imaaraadka inay noola macaamilaan annagoo ah hal dal oo madax-bannaan oo masuul ah, ayna joojiyaan habka doc-faruurka ah ee ay albaabbada kala duwan uga soo galayeen dalkeenna, iyagoo ku kacaya arrimo aanay mararka qaarkood ka warhayn Dowladda Federaalka Soomaaliya, kana dhex fuliya gudaha Soomaaliya—kuwaas oo xadgudub ku ah haybadda iyo qaranimada dalkeenna.”

Isaga oo hadalka sii wata, ayuu intaas ku daray in aysan dooneyn in dhibaato soo gaarto qeyb ka mid ah bulshada Soomaaliyeed: “Waxaan rabaa inaan caddeeyo go’aanka dowladda inaan marnaba loola jeedin in dadkeenna dhibaato ka soo gaarto,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Dowlada Soomaaliya ayaa haatan ka fekeraysa in dalka ka erido dublumaasiyiin, ergo, ganacsato iyo shirkado lala xiriirinayo Imaaraadka.

Si kastaba, go’aankii Dowladda Federaalka ayaa si rasmi ah u dhaqan-galay. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Soomaaliya ka qabanaysay hawlo kala duwan oo isugu jira ganacsi, amni, adeegyo gargaar bini’aadannimo, iyo saameyn siyaasadeed oo ay ku leedahay maamullada ka jira dalka iyo dowladda dhexe.

- Advertisement -

Read more

Local News