Dowladda SACUUDIGA oo dib u soo celiysa xoolo laga dhoofiyey dekeda Berbera

Berbera (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa dib usoo celisay xoolo laga dhoofiyay dekedda Berbera, waxaana ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumeysiga Somaliland Saciid Sulub Maxamed.

Wasiirka wuxuu sheegay ineysan aheyn markii ugu horreysay ay Sacuudiga iska soo celiso xoolaha laga dhoofiyo dhulka Somaliland, balse ay dhacdo in mararka qaarkood ay isaga soo celiyaan arrimo iyaga u gaarka ah.

Dhanka kale Saciid Sulub ayaa qiray iney wadaan baaritaano ku saabsan sababta keentay, wuxuuna beeniyay in Somaliland aysan wax dadaal ah ku bixin sidii ay xoolahaas sacuudiga looga codsan lahaa iney aqbalaan.

“Maxaa lagala hadlayaa Sacuudiga xooluhu way u furan yahiin oo ma uusan joojin, xanuun xoolaha lasoo celiyay ka muuqdana ma jiraan markii aan baarnay” ayuu yiri Wasiirka.

“Dalalka wax dhoofiya ayaynu la mid nahay, intaas oo markab baa kusoo noqday Jabuuti, intaas oo markab ayaa kusoo noqday Suudaaan, maxay kaga duwan tahay arintaas.”