Abiy oo jeediyey hanjabaadii ugu cusleyd xilli Itoobiya ay cabsi xooggan ka jirto

Adis Ababa (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa ku faanay in laamaha amaanka iyo deegaanka oromada ay soo afjareen rabshadahii maalmahii ugu dambeeyay ka socday dalka itoobiya, wuxuuna aaminsan yahay iney soo maleegeen cadawga dowladiisa.

Dr. Abiy ayaa kasoo muuqday talafashinka dowladda wuxuuna shir jaraa’id kaga hadlay xaaladda ay ku sugan tahay dowladdiisa, sidoo kalana wuxuu xaqiijiyay in la qabtay gacan ku dhiiglihii dilay fanaankii caanka ahaa ee Hachaaluu Hundeesaa, balse ay kaliya dhiman tahay talaabada xigta.

“Dad looga shakiyay iney dileen fanaanka ayaa gacanta lagu hayaa, waxaana ku jira dad ku jira nidaamka dowliga ah,” ayuu yiri Dr. Abiy Axmed.

“Aragtiyada naceybka xambaarsan ee la xiriira siyaasad ama qowmiyad ee dalka Itoobiya wax boos ah ugama banaana wixii hadda ka dambeeya, dadka raba in Itoobiya uu dhiig ku daadiyo waxaan leeyahay riyadaas marnaba ma rumoobi doonto”

“Xoogagg ku gabbanaya magac siyaasad ama qabiil ee doonaya waxa uu yahay dagaal magaalo, waxaan ku qasbanahay inaan tusno waxa uu yahay dagaal magaalo iyo guusha sida loo gaari karo, sidoo kalana dadka doonaya iney baraha bulshada ku riyoodaan waxaan u sheegayaa ineysan riyadaas marnaba rumoobi karin.”

Itoobiya ayaa waxaa Talaadadii ka billowday rabshado kadib dhimashadii heesaa iyo u dhaqaaqe bulsho Hachalu Hundessa. Hundessa, oo 36 jir ahaa, ayaa waxaa magaalada Addis-Ababa ku toogtay dabley aan la garanaynin.

Fannaanka caanka ahaa ayaa Khamiista lagu aasay gurigiisa oo ku yaal magaalada Ambo, oo qiyaastii 100 kiiloomitir (62 mayl) Galbeedka ka xigta Addis Ababa.

Hundessa wuxuu ahaa nin caan ka ahaa mudaaharaadyadii lagaga soo horjeeday dawladda ee socday saddex sano kahor inta aanu xukunka iman Abiy, oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada.