“Dowladda Somalia dagaal culus ayey kula jirta ictiraaf raadinta Somaliland”

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay muddo dhaafka ku yimaada doorashooyinka Somaliland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland ay dhaqan u noqotay dib u dhaca doorashooyinka ku yimaada, isagoona ka dhawaajiyey sababaha hortaagan qabsoomida doorashada golaha wakiilada.

Xildhibaan Xuseen ayaa dusha u saaray dibu dhaca doorashooyinka Xukuumada Madaxweyne Biixi, isla markaana eedeymo u jeediyey xisbiyada Kulmiye iyo Ucid oo dhawaan heshiis ka gaaray khilaafka doorashooyinka.

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay dagaal uu sheegay inay dowlada Somaliya ay kula jirto dowladda aan weli la aqoonsan ee Somaliland, wuxuuna yiri:

“Waxaa dhaqan inoo noqday inay Doorashooyinku kolba dib u dhacaan, Doorashada Wakiiladana qodob badan oo loo baahnaa in la sii dhammeeyo ayaan ilaa hadda laga hawl-galin, sida saami-qaybsiga, maxaa yeelay Beelaha darafyadu waxay doonayaan inay Doorashada Wakiilada ku galaan saami-qaybsi, waxayna marar badan ku celiyeen in aanay galaynin Doorasho dambe oo bilaa saami qaybsiya”.

“Waxay ahayd inay Xukuumaddu mar horeba ka sii hawl-gasho, laakiin ilaa hadda umay dhaqaaqin oo caalamatul su’aal ayey galisay, waana kii Madaxweynuhu Beelaha Awdal ka codsaday in saami-qaybsi aan la sameeynin, ta kale Xisbiga Waddani wuxuu soo jeediyey in Komishankan la kala diro oo Komishan loo siman yahay la sameeyo, balse haddana calaamatul su’aal ayaa la galiyey”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Xisbiyada Kulmiye iyo UCID, oo hadda isku noqday Xisbi qudha, ayaa haddana doonaya in aan Komishankana la kala dirin, Doorashadana sidii hore loo galo, Xisbiga Waddani sharci buu ku taagan yahay, sidaas oo ay tahay Xukuumaddu diyaar uma ah inay Doorashada dalka ka dhacdo, iyadana caalamatul su’aal galinaysa, qodob kasta oo ku xidhan qabsoomida Doorashada”.

“Dawladda Somaliya, dagaal bay inagula jirta, waxayna rabtaa inay ka faa’iidaysto aqoonsiga aynaan wali Caalamka ka helin, ee si wada jir ah aynu u waajahano, oo waliba si wada jir ah aynu aqoonsigeena u raadino, oo aynu Wadamada kale duwan ee Caalamka aynu ka dhaadhicino sidii dalkeena loo aqoonsan lahaa, loona tusi lahaa inaynu ka madax banaan nahay Somaliya”.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com