Imaaraadka oo ciidamadiisa kala baxay dalka YEMEN

Abu Dubai (Caasimadda Online) – Wargeyska The Wall Street Journal ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa qoray inay dowladda Imaaraadka carabta kala baxday dalka Yeman qeybo kamid ah ciidamadii ka joogay iydoo ka cabsaneyso inay weeraro la kulanto maadaama uu dagaal ka dhex biowday Mareykanka iyo Iiraan.

Wargeyskaan ayaa sheegay in asbuucyadii ugu dambeeyey ay Abu Dubai Yeman kala baxday Taangiyo, Diyaariyadaha dagaalka iyo  boqolaal ciidan oo ka joogay Badda Cas, waxaana kamid ahaa ciidamada ay la baxday kuwii ku sugnaa Magaalo xeebeedka Al Hudaydah ee dalka yeman halkaas oo ah meesha laga dajiyo gargaarka bini’aadanimo ee la gaarsiiyo dadka reer Yeman oo ay dhibaateeyeen Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ah garabka Militari ee ugu muhiimsan oo ay heysato Dowladda Sacuudiga oo dagaal ku qaaday Xuutiyiinta Yeman ee taageerada ka helo Iiran tan iyo Maarso 2015, dagaalkaas oo lagu dilay kumanaan qof oo ka tirsan Shacabka Yeman, iyadoo ay dalkaas ka dhacday musiibo Bini’aadanimo tii ugu xumeyd caalamka sida lagu sheegay warbixinada hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay.

Bixitaanka qaar ka tirsan Ciidamada Imaaraadka ee dalka Yeman ayaa kusoo aadayo xilli ay sii xoogeysatay Xiisadda Bariga Dhexe ee u dhaxeyso Iiraan iyo Mareykanka, inkastoo ay Washington iyo Tehran sheegeyn inaysan dagaal diyaar u aheyn, haddana waxaa socday weeraro lagu qaadayo Doomaha iyo Maraakiibta isticmaalo xeebaha Imaaraadka taasoo cabsi badan ku abuurtay Abu Dubai, waxayna dowlado ay kamid yihiin Mareykanka weeraradaas ku eedeeyeen Iiraan iyagoo ugu baaqay inay  arrintaas joojiso.

Wargeyska ayaa sheegay inay Imaaradka dareentay cabsi weyn kadib markii ay soo badatay diidmada Mareykanka ee dagaalka Militari ee Yeman, iyo iyadoo isku aragtay inay tahay bartilmaameedka koowaad oo ay Iiraan ku aargudan doonto haddii uu madaxwyenaha Mareykanka Trump amro in duqeymo Militari lagu qaado Iiraan.

Wargeyska oo soo xiganayo Mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa sheegay inay Imaaraadka Dagaalka Daacish ay ku badalneyso beegsiga Kooxaha Al-Qaacidda, Daacish iyo Kooxaha kale ee xaqjiriinta ah.

Dowladaha Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa weli qarinayo ka bixitaanka Imaaraadka ee dalka Yeman maadaama ay u arkaan haddii uu warkaan faafo inay guul u tahay Xuutiyiinta Yeman iyo  Iiraan

Cabsida Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa cirka isku shareertay kadib markii ay Xuuyiyiinta Yeman bilaabeen duqeymo ay ka fulinayaan gudaha Sacuudiga, halka ay Xeebaha Imaaraadka ka bilowdeen  weeraro lagu qaadayo maraakiibta taasoo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeyso Iiraan oo difaac u ah Xuutiyiinta.

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa hadda shanley ka taagan weerarkii ay ku qaadeen dalka Yeman oo aysan ka helin ujeedkii ay ka lahaayeen oo aheyd inay burburyaan kooxda xuutiyiinta balse taas badalkeeda ay dhacday inay Xuutiyiinta awood u yeeshaan weeraro ka dhaco gudaha Sacuudiga halka Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadkana ay dagaalka Yeman ku xasuuqeen shacab kumanaan ah oo ay ku jiraan carruur aad u badan.

Caasimada Online
Xafiiska Abu Dubai
Caasimada@live.com