Somaliland oo digniin adag u dirtay DF + Baaqna u dirtay beesha caalamka

Hargeysa (Caasimada Online) ― Shirkii Golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa waxa fariin adag loogu diray Mas’uuliyiinta DF Somaliya.

Golaha wasiirada ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay marwalba ku foogan tahay dagaal joogto ah oo ay ku wadaan dalka Somaliland, taasi oo muujinaysa cadaawada iyo colaada ay u hayaan shacabka Somaliland.

War-murtiyeed kasoo baxay shirkii golaha wasiirada Somaliland, ayaa wuxuuu u dhigna sidan:

“Xukuumadda Somaliland waxay beesha caalamka ugu baaqaysaa dal aan awoodin doorasho dadweyne oo caalamku u dhisay dawladdo badan oo fashilmay ta maanta joogtaana villa Muqdisho aanay meelna udhaafsanayn inaan la barbar-dhigin Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka jirto dimuquraadiyad kala dambayn iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah ayna ka qabsoomeen lix doorasho, adduun weynuhuna ka marag kacayo, inay Somaliland ka go’an tahay iskaashiga, horumarka iyo xasiloonida adduunka.

Haddaba Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar-walba diyaar u tahay in fagaare caalamiya loogu garnaqo Maamulka Xamar, balse taa waxa burisay shirkii Kenya ee ay ka baaqdeen, beesha caalamkuna goob joog ka ahayd.

Dawladda Somaliland waxa ay ka digaysaa in mamulka muqdisho khatar amni darro iyo qalalaase hor leh ka abuuro manqada geeska afrika oo leh sooyaal taariikh colaadeed oo dheer.

Ugu dambeyn, goluhu wuxu shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku baraarujinayaa inay u diyaar garoobaan difaaca qarankooda”.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com