Wasiiro Somaliland ah oo dibeda soo dhigay ujeedka dhabta ah ee socdaalka uu Biixi ku tagay dalka Guinea

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maalintii Talaadadii gaaray Caasimada dalka Jamhuuriyadda Gini ee bariga qaaradda Afrika.

Madaxweyne Biixi aya marti-qaad rasmi ah ka helay madaxda dalkaasi, si ay uga wada-hadlaan xiriirka labada dhinac.

Wafdiga Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa sii diiran u soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini Mudane Mamadi Toure.

Wasiiro ka tirsan xukuumada Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday ujeedka rasmiga ah ee uu la xiriiro socdaalkaasi uu Madaxweyne Biixi ku tagay dalka Gini.

Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland iyo Wasiirka Maaliyada ayaa si wada-jir ah u sheegay in ujeedada socdaalka Madaxweyne Biixi uu yahay sidii ay Somaliland u xoojin lahayd xiriirka dalalka galbeedka Afrika iyo weliba sidii ay dalkaas uga baran laheyd cashar ku saabsan qaabka uu u casriyeeyay dhaqaalihiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in labada wadan ay ka wada-hadli doonan arrimaha danaha guud inta ay joogan dalka Guinea.

Wasiir maaliyadda Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa isaguna waxa u sheegay in socdaalka Madaxweyne Biixi ee dalka Guinea uu yahay sidii ay Somaliland dalkaas uga soo baran lahayd qaabka ay Guinea u casriyaysay dhaqaalaha, gaar ahaan qaybta macdanta.

Socdaalkan Madaxweyne Biixi ayaa muujinaya sida ay Somaliland u kobcinayso xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, taasi oo ay muddooyinkii la soo dhaafay sare u qaadeysay xiriirkeeda arrimaha dibadda, iyada oo si toos ula fal-galeysay wadamo badan oo ku yaalla qaaradda Africa.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com