Dowladda Somalia oo laga dalbaday in xasaanada laga qaado tiro xildhibaano ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo ka tirsan xildhibaanada BFS ayaa si caro leh uga hadlay habdhaqan xun oo uu dheegay inay leeyihiin qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar waxa uu tilmaamay in Xildhibaanada qaar ay garan la’yihiin shaqooyinka loo igmay, waxa uuna carab dhabay inay faragalin ku hayan howlaha Dowlada Dhexe ee ku aadan maamul Goboleedyada.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar, waxa uu sheegay in arrin nasiib darro ah ay tahay in Xildhibaano gabay howshooda ay Dowlada Dhexe uga hormaran shaqooyinkeeda dhanka maamulada.

Xildhibaanka oo dhaliilsan faragalin uu sheegay in Xildhibaanada qaar ay ku hayaan howlaha Dowlada ayaa ku baaqay in xasaanada mudanayaasha gabay howshooda.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar ayaa soo jeediyay in Xildhibaanada dhaliilaya Dowlada Dhexe laga qaado Xasaanada maadaama ay gafeen isla markaana dhaliilo aan xaqiiq aheyn u jeediyeen dowlada.

Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in xildhibaanada aqalka sare iyo golaha sahacabka ee kasoo jeedo maamulka Koonfur Galbeed ee shalay ku shiray magaalada Muqdisho ay la yimaadaan cadeymo muuqdo oo muujinaya in dhowladda dhexe ay faragelin ku heyso doorashada Maamulkaasi.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar, oo hadalkiisa sii wata ayaa Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka codsaday in xildhibaanada dowladda dhexe ku eedeeyay in hub ay u dirtay Koonfur Galbeed dad lagu dilay in maxkamada lala tiigsado ayna la yimaadaan cadaymaha ay haayaan.

“Haddalka ay Xildhibaanadu ku dhaliileen dowlada Dhexe maaha mid sahlan waayo waxa ay sheegen in Hub ay dowlada u dirtay Koonfur Galbeed lagu leynaayo shacabka, waa in Xildhibaanada noocas ah maxkamad lala tiigsadaa”

“Dowladu xaq bey u leedahay inay maxkamad la tiigsato Xildhibaanada jeediyay dhaliisha aan cadeymaha loo heyn waa in laga qaadaa Xasaanada”

Haddalka Idiris Cabdi Dhakhtar, ayaa kusoo beegmaya xili Xildhibaano ka kala tirsan labada Aqal ay dowlada Dhexe ku eedeeyen inay faragalin ku heyso doorashada Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com