Dowladda Somalia oo wax ka beddel deg deg ah ku sameysay arrimaha Xajka

Muqdisho (Caasimada Online) ―Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay tartankii Sharikadah diyaaradaha ugu jireen daabulidda Xujeyda Soomaalida ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cismaan Aadan Dhuuboow ayaa sheegay in tartankii loogu jiray Daabulidda Xujeyda ee Sharikadaha diyaaradaha ay ku guuleysteen 11 Sharikadood.

Cismaan Aadan, ayaa sheegay in 58 sharikadood ku tartameen daabulidda Xujeyda Soomaalida ee sanadkan xajineysa islamarkaana ay soo baxeen 11 Sharikadoo oo ay la shaqeyn doonto Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Soomaalida sanadkan Xajka aadeysa ee ay dowladda Sucuudiga soo gudbisay ayaa tiradooda lagu sheegay 11,500 oo Qof.

Wasiir Cismaan Dhuubow ayaa sheegay in Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ay kormeer joogto ah ku sameyn doonto Sharikadaha ku guuleystay tartanka, islamarkaana la socon doonto sida ay ugu adeegayaan Xujeyda Soomaaliyeed.

Kulanka dhexmaray Wasiiradda Diinta iyo Awqaafta, Wasiirrada Diinta iyo awqaafta ee dowlad Goboleedyada iyo madaxada Sharikadaha diyaaradaha ayaa looga arrinsaday sidii Xujeyda u heli lahaayeen adeegga ay u baahanyihiin.