DF iyo Al-Shabaab oo ka mideysan dagaalka cadow kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab iyo Dowladda Soomaaliya waxay wadagaan hal cadow oo la dagaalankiisa ay ka siman yihiin, cadowgaas waa ururka Daacish ee ka dagaalama qeyb ka mid ah Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa ku dila meeshii ay ku arkaan xubin ka tirsan Daacish-ta ka dagaalanta Soomaaliya. Puntland oo garab ka helaysa ciidamada Maraykanka ayaa marar badan Daacish kula dagaalantay qeybo ka mid ah gobolka Bari.

Inkastoo Daacish aysan ku awood badneyn koonfurta Soomaaliya ku laheyn, hadana waxay xarumo la ogyahay ku leeyihiin buuraha Calmis ee gobolka Bari oo Puntland ay ka arrimiso.

Sanadkii 2015-kii ayaa kooxdaan faraceeda laga aas-aasay Soomaaliya, islamarkii laga yagleelay Soomaaliya, waxay billaabeen howlgalladoodii ugu horreeyay, markaas ayaa lagu baraarugay halista kooxda.

Sida ay xustay taariikhdu, Waxaa ururkaan oo mararka qaar lagu magacaabo Abnaa ul-Khilaafa (wiilasha Khilaafa) la aasaasay dabayaaqadii 2015, waxaana urur weynaha Daacish uu aqoonsaday December 2017-kii, markaas oo loo bixiyay magaca “Wilaayada Soomaaliya.”

Dagaallamayaasha u diyaarsan ururka Daacish faraciisa Soomaaliya waxaa lagu qiyaasay ilaa 300 oo askari oo rag badan, dagaalyahanada kooxdaan badankood horay waxay uga tirsanaayeen ururka Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab oo diidan jiritaanka Daacish-ta Soomaaliya ayaa markiiba bilowday inay aragti ku dilaan xubnaha ku jira Daacish iyo qof kasta oo ay uga shakiyaan inay ku biiri rabto, gaar ahaan dagaalyahanadii Al-Shabaab ee doonayey inay ku biiraan Daacish.

Kooxda Daacish bilowgeedii Soomaaliya waxaa soo hoggaamiyay nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Muumin oo Maraykanku markii dambe uu ka saaray liiska madow ee la cunaqabateeyey, lana doon-doonayo bishii August ee sanadkii 2016-kii, Muumin waxaa markii dambe deganaasho laga siiyey dalka Qatar.

Inta badan Puntland dagaal toos ah kuma qaado Daacish-ta ku jirta buuraha gobolka Bari, balse Mareykanka duqeyn ku bilaabay bishii November 2017-kii, taas oo ugu dambeyntii sababtay in Mareykanku dilo hoggaamiyihii ugu sareeyey Bilaal Al-Sudani.

Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa kooxda Daacish si isku mid ah uga ugaarsada koonfurta dalka, taas oo u suurta geli weysay inay dagaalyahano ka qortaan oo awood ku yeeshaan koonfurta Soomaaliya.