Maxaa wareejinta deegaan doorashada kursigii loo diiday Fahad Yaasin ka dhalan kara?

Muqdisho (Caasimada Online) – 275-ta kursi ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya in kursi walba loo asteeyo deegaan doorasho gaar ah waa turjumida qabiil walba iyo halka uu dego deegaan ahaan, degmo ahaan ama gobol ahaan.

2021-kii kursiga HOP#124 ayaa la isku dayay in laga wareejiyo deegaan doorashadiisa magaalada Kismaayo, iyada oo la eegay danta shaqsiga ah ee xildhibaankii ku fadhiyay oo ahaa Cabdiraxmaan Dheere, kaas oo aaminsanaa in Axmed Madoobe kursi soo siineyn.

Gobolka Gedo ayaa lagu qoray xilligii lagu jiray asteynta kuraasta. Waxaa ka dhashay buuq xoog leh, beesha leh kursigaas waxgaradkooda, dhaqalinyaradooda iyo siyaasiyiintooda waxay tallaabadaasi ku tilmaameen raad-tir lagu sameynayo deegaan ahaanshahooda gobollada Jubbooyinka.

Diidmadii ugu adkeyd ayay kala hor-tageen, qaar ayaa ku tilmaamay isir sifeyn. Ugu dambeyn kursigii waxaa lagu soo celiyay magaalada Kismaayo, halkaas oo lagu doortay horraantii 2022.

Xaallad middaan lamid ah waxaa hadda ku sugan kursiga HOP#086. Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Soomaaliya ee uu dhawaan magacaabay ra’iisul wasaare Xamza, kuwaas oo shaqadooda ay tahay inay qabtaan doorashada kuraasta banaan ee Golaha Shacabka ayaa habeen hore ku dhawaaqay in magaalada Muqdisho loo soo wareejiyay doorashada kursiga HOP#086.

Deegaan doorashada kursigan waxay aheyd magaalada Beledweyne. In kursigaan laga soo wareejiyo deegaan doorashadiisa waxay dadka qaarkii ku tilmaamayaan baneynta in berri meeshii la rabo la iska geysan karo kursigaan.

Sidoo kale waxay tallaabadan dhaawac mustaqbalka ah ku noqon kartaa metalaadda ay beeshan ku leedahay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, xilli loo socdo in dalka u gudbo wax ku qeybsiga gobollo iyo degmooyin.

Iyada oo ay muuqato in kursiga HOP#086 loo boobayo musharaxa ay dowladda wadato ee Dr Maxamed Xaaji, haddana in dad dhan metalaadooddii deegaan loo burburiyo damac hal qof waa diiwaan aad u foolxun oo berri si taban u saameyn doona qofkii arrintaas ka dambeeyay.

Waxaa kale oo su’aal ah cidda berri xal sahlan u haysa haddii ay tallaabadan toos u wiiqdo metelaadda beeshan ee magaalada Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan.

Damaca noocaan ah waxa laga faa’iido karo waxa ka badan waxa uu si guud iyo si gaar ah-ba ugu dhimi karo dadka hadda ka shaqeynaya iyo guud ahaan beesha, ayay leeyihiin xubno beesha kursigaan leh ka tirsan oo aan la hadalnay.

Musharaxiinta u taagan kursigan marka laga reebo musharaxa ay dowladda wadato ayaa si weyn u cambaareeyay dhaawaca loo geystay asalka deegaan doorashada beesha iska leh kursiga HOP#086.

Sida uu sheegay guddiga KMG ah ee doorashooyinka waxaa kursigaan doorashadiisa la qabanaya 25-ka bishaan. Musharaxiinta u taagan kursigan waxay sheegeen in aanay ka hari doonin dhaqanka boobka ah ee loo geysanayo kursigaan.