Dowladda Soomaaliya oo damacsan tallaabno xasaasi ah oo ka dhan ah KENYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka jawaabto go’aankii ay Kenya ku jebisay xayiraaddii duulimaadka ee saarneyd magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.

Caasimada Online ayaa xog ku heshay in xalay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ay kulan gaar ah ka yeesheen jawaabta uu dalkaan ka bixin doono xadgudubka lagu sameeyay, taas oo wax u dhimeysa madaxbanaanida dalka.

Warar aan ka helnay xubno lagu kalsoon yahay oo ku sugan Villa Somalia ayaa sheegaya in dowladda ay ka fakareyso laba qodob midkood oo kala ah, in dalka laga eryo safiirka Kenya, ama in la joojiyo qaadka soo gala dalka, si looga jaaabo xadgudubyada dowladda Kenya.

“Xukuumaddu waxay dhowaan eryi doonaa safiirka Kenya ama joojiin doontaa qaadka dalka soo gala ee ka yimaada Kenya si looga jawaabo xadgudubyadii dhacay ee dhanka duulimaadka ah” ayuu yiri qof ka tirsan Villa Somalia oo aan la hadalnay.

Illaa hadda ma cadda midka ay qaadan doonto dowladda labada go’aan. Waxaa sidoo kale macquul ah in dowladda aysan labada tallaabo midkood qaadin, ayna dacwad caalami ah oo ka dhan ah Kenya u gudbiso Midowga Afrika iyo QM.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalin kadib markii ay mamnuucday duulimaadka Kismaayo iyo Nairobi ayaa amarkaas waxaa jebiyay dowladda Kenya kadib markii wafdi sare oo ka socda dalkaasi ay ka qayb galeen caleema saarka Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com