Sawirro: DENI oo la kulmay odayaasha dhaqanka J/LAND

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) oo weli ku sugan magaalada Kismaayo ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka maamulka Jubbaland.

Kulanka oo is xog-wareysi ahaa ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Senatoro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaaanka Soomaaliya.

Ugu horreyn Deni ayaa warbixin guud ka dhageystay dhaqanka Jubbaland, isagoona kula dar daaarmay inay la shaqeeyaan maamulka uu hoggaamiyo, Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu ku booriyey inay ka qeyb qaataan illaalinta amniga iyo ka shaqeynta horumarka Jubbaland.

“Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey doorka hoggaanka dhaqanka Jubbaland ee ka shaqeynta illaalinta Amniga, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay in lagasii shaqeeyo guud ahaan Horumarka, Midnimada, Adkeynta Amniga iyo illaalinta Guud ee wadajir-ka dadka Jubaland.” Ayuu yiri afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto Garoowe, kadib ka qeyb galkii caleema saarka, Axmed Madoobe oo uu tegay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com