DF Somalia oo faahfaahisay dacwadda ay ka gudbisay badda SOOMAALIYA

Belgium (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay warqad dacwad ah oo ay ugudbisay maxkamadda caalamiga ee dambiyada ICG taasoo lagu codsanaayo in wax laga qabto muran xagga badda oo kala dhexeeya dowladda Kenya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo Belgium, Dr Cali Saciid Fiqi ayaa VOA-da u sheegay in warqada dacwadda uu isaga u gudbiyay maxkamadda ICG si loo kala caddeeyo xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya.

Safiirka wuxuu kaloo sheegay in warqadaas oo ka timid madaxweynaha Soomaaliya uu isaga iyo la taliyaha dhinaca sharciga ee madaxweynaha ay tageyn xarunta ICG ee dalka Holland si loo kala saaro muranka ka dhexeeya labada waddan.

Safiirka mar uu ka hadlaayay wax yaabaha muranka dhaliyay, ayuu sheegay in dowladda Kenya ay ku soo xad gudubtay biyaha Soomaaliya iyadoo billaabtay in ay shidaal ka qodo dhulka Somalia isla markaana ay heshiis la gashay shirkado ajnebi ah oo ay ka mid tahay Total oo laga lee yahay Faransiiska.

Dr Cali Saciid Fiqi ayaa sidoo kale sheegay arrintaas in ay u cuntami weysay dowladda Soomaaliya isla markaana ay billowday in ay dacwad u gudbiso maxkamadda ICG taasoo loo unkay in ay kala saarto muran ka dhexeeya labo waddan oo isku heesta dhul.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo dalka Belgium ayaa ku celceliyay in ay jireen dedaalo diplomaasi oo lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafka labada waddan balse uu ku guul darreestay.

Si kastaba, warbixin ay soo saartay maxkamadda caalamiga ah ee cadaalada ayaa waxa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka codsatay maxkamadda in ay go’aan ka gaarto arrintan.

Haddaba Soomaaliya waxa ay rabtaa in marka la xadeeynayo badda, in loo fiiriyo dhulka ku dhow lalana simo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la sameeyo xariiqin dheer oo kala barta badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Warbixintan oo ay soo saartay maxkamada ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in labada wadanba ay aqoonsan yihiin awooda maxkamadda.

Warbixinta ayaa waxa ay sidoo kale soo xiganeysaa in Soomaaliya ay sheegtay in lagu guul dareystay in si diblumaasiyad ah lagu xaliyo murankan.

Dacwadaha lageeyo maxkamadan waxa ay qaadan karaan in go’aan laga gaaro sannado badan.

Caasimda Online

Xafiiska Wararka Belgium

Caasimada@live.com