MAAMULKA SOMALILAND oo dacwo ka dhan Cali Khaliif u gudbiyey ETHIOPIA

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar ay heshay Shabakadda Caasimada Online ayaa muujinaya in maamulka Somaliland uu u diray magaalada Addis Ababa, labo wasiir kuwaasoo kaddib markii maalintii Khamiistii dagaal uu ka dhacay deeganka Saaxdheer oo u dhow soohdinta Itoobiya.

Labadan wasiir ayaa dacwo ka ah dowladda Itoobiya maadama goobta dagaalka uu ka dhacay ay u dhow dahay Itoobiya isla markaana meel gudaha Itoobiya ay ka dhacday xaflad lagu caleema saarayay madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State, Cali Khaliif Galeyr.

Sida aan wararka ku helnay labada wasiir ayaa dowladda Itoobiya ka codsan doona in ay la adkeeyo ammaanka soohdinta u dhexeysa isla markaana aan loo oggolaan Cali Khaliif Galeyr iyo xubnaha la socda in ay shirar ama kulamo ku yeeshaan deegannada dhinaca Itoobiya soo xigga.

Maamulka Somaliland ayaa aad uga carooday xafladda ka dhacday deeganka Togga Aragsan oo ku taalla gudaha Itoobiya, taasoo lagu caleemo saaray madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr, kaddib markii deegaankii lagu waday in ay ka dhacdo xafladda ay weerareen ciidanka Somaliland.

Somaliland ayaa ku eedeeysay dowladda Itoobiya in ay marti galiyeen Cali Khaliif Galeyr taasna ay tahay wax ka baxsan xiriirka u dhexeeya labada dhinac sida ay sheegayaan diplomaasiyiin.

Si kastaba, Somaliland ayaa u aragta maamulka Khaatumo mid doonaya inuu kala dhantaalo riyada beenta ah ee Somaliland ay ku dooneyso in ay ku noqoto dal madax banaan oo ka go’ay Soomaaliweyn.

Maamulka Khaatumo ayaa isna leh annaga waxaan dooneynaa midnimada Soomaaliya, waana waxa nalagu dagaallamayo oo ay loo weerarrayo deegannada ay maamulaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com