Xog: Xasan Sheekh & Safiirka Somalia ee Turkiga oo isku dhagan + C/KARIIM GUULEED oo laga gadayo ERDOGAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-Xog-Ogaal oo ka mid ah diplumaasiyiinta ku sugan Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xassan Sheikh Maxamuud uu Safiirka Somalia u fadhiya dalka Turkiga Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan uu kala hadlay Arrimaha Safaarada iyo dadaalada DF kaga aadan.

Diplumaasiyiinta ayaa inoo xaqiijiyay in kullanka Madaxweynaha iyo Safiirka ay isku soo hadal qaaden isbedelada DF ay wado, taasi oo ay saameyn ku yeelan doonto inta badan  Safiirada Somalia u fadhiya Caalamka intiisa kale.

Madaxweyne Xassan ayaa la sheegayaa in Safiir Maxamed Mursal uu ku wargaliyay inay suuragal tahay inuu saameyo Isbedelada, waxaana la tilmaamayaa in Xassan Sheikh uu Danjiraha u sheegay in DF ay si gaar ah ugu xisaabtameyso Dalka Turkiga.

Sidoo kale, Maxamed Mursal ayaa dhankiisa ka sheegay in wax waliba uu diyaar u yahay balse ay mudan tahay in Arrinta isbedelka lagu qanciyo Beesha  uu isaga kasoo jeedo oo aan ku qanacsaneyn In xilka uu baneeyo.

Maxamed Mursal ayaa waxa uu Madaxweyne Xassan u muujiyay in marnaba uusan faarujin doonin Xafiiska uu ku magacaaban yahay, balse uu Ogolyahay in lagu cadaadiyo Howshiisa.

C/kariin Guuleed oo la hadal haayo inuu bedeli doono Safiirka iminka Somalia u fadhiya Dalka Turkiga, ayaa waxa uu kamid yahay Mas’uuliyiinta Madaxweyne Xassan ku wehlinaayay Safarka uu ku joogo Dalka Turkiga, waxaana la Tilmaamayaa in Madaxweyne Xassan uu Erdogan u bidhaamiyay in DF ay wado qorsho cusub oo ay ku bedeleyso Safiirada ka jooga Wadamada kale, islamarkaana ay suuragal noqon karto inay soo magacaaban Safiir Cusub, waxaana la soo warinayaa in Arrintaasi uu soo dhaweeyay Erdugan.

C/kariin Guuleed oo la saadalinaayo inuu noqonaayo Safiirka Cusub ee Somalia u fadhin doono Turkiga, ayaa waxa uu iminka Magaalada Ankara kullamo kula qaadanayaa Mas’uuliyiinta Dowladaasi iyo Siyaasiyiinta ka howlgasha Safaarada.

Dhanka kale, Warbaahinta Maxaliga ayaa waxa ay maalmahaani hadal heysay Isbedel ay DF ku sameyneyso Safaaradaha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com