Somaliland oo go’aan ka qaadatay DFS si aad ahna u eedeysay DHUXULOOW

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ku eedeeyay dowladda fedaraalka Soomaaliya in ay ka qeyb ka ahayd shirkii ka dhacay deeganka Saaxdheer ee lagu doortay madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr isla markaana waxay intaas ku daray in wadahadalkii u socday iyaga iyo dowladda uu ku yimid dhaawac.

Wasiirka warfaafinta maamulka Somaliland, Cabdullaahi Maxamed Daahir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ku eedeeyay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow in uu si bareer ah ugu mashquulay maamulka Somaliland.

Wuxuu sheegay Idaacadda iyo Talafishanka dowladda in ay markasta ka hadlaan arrimaha Somaliland sidaas darteedna ay u garteyn in dowladda Soomaaliya oo dhan ay isla qabto arrintaas sidda uu yiri.

Wasiirka waxaa kaloo uu tilmaamay in dowladda ay xildhibaanno u soo dirtay deeganka Saaxdheer oo dagaal uu ka dhacay Khamiistii isla markaana ay doonayaan in qas iyo jahwareer ka abuuraan deegannada Somaliland.

Wasiirka wuxuu xaqiijiyay in Somaliland ay labo wasiir u dirtay dalka Itoobiya si ay ugala soo hadlaan in Cali Khaliif Galeyr uu soo galo dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Wasiiradaas ayaa kala ah Arrimaha dibedda iyo arrimaha Gudaha Somaliland.

Ugu dambeyn wasiirka mar la weydiiyay sidda ay u arkaan war qoraal ah oo ay soo saareyn Midowga Yurub, QM iyo Maraykanka kaasoo lagu amrayay in Somaliland ay ciidankeeda kala soo baxdo deeganka Saaxdheer, wuxu sheegay in beesha caalamka aanu waxbo ka galin arrimaha Somaliland.

Hadalka wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa ku soo aadaya iyadoo maalintii Khamiistii ee la soo dhaafay uu dagaal xooggan ka dhacay deeganka Saaxdheer halkaasoo lagu waday in uu ka dhaco dagaal u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Khaatumo State.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com