Dowladda Soomaaliya oo laga dalbaday in ay xiriirka u jarto dalka Faransiiska

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah wadamada Caalamka waxaa ka socda banaanbaxyo waa weyn oo looga soo horjeedo hadalkii Madaxweynaha dalka Faransiiska, kaas oo ahaa in ay xorriyad tahay in qof kasta wuxuu raba ku hadlo ama qoro, islamarkaana la sii wadi doono sawirada laga matalayo Nebi Muxumad NNKH.

Wadamo badan oo Muslimiin ah ayaa joojiyay iibsiga waxyaabaha looga keeno dalka Faransiiska, halka qaar ka mid ah madaxda Caalamka ee Muslimiinta ay canbaareeyeen hadalka Madaxweynaha Faransiiska, iyagoona ka digay dhibaato ka dhalan karta waxyaabaha ka socdo Faransiiska.

Wali dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin arintaan dunida Muslimka Gil-gishay waxayna Soomaaliya kamid noqoneysaa wadamo badan oo muslmiin ah oo aan arintaan ka hadlin.

Sheekh Cabduqaadir Sheekh Maxamed Soomoow, oo ka tirsan culimada Soomaaliyeed ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay jarto xiriirka kala dhaxeeyo Faransiiska.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxda dalka in ay qaataan go’aan xiriirka loogu jaraayo Faransiiska maadaama uu u gafay madaxweynaha wadankaas Nabigeenna Muxumad ee qiimaha badan,” ayuu yiri Sheekh Cabduqaadir Soomoow oo ka tirsan culimada Soomaaliyeed.

Lama oga go’aanka ay dowladda Soomaaliya ka qaadan doonto dowladda Faransiiska oo Madaxweynaha wadankaas oo u gafay suubanaheena Muxumada NNKH.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilo ka hor dowladda Faransiiska kaga tacsiyeeysay askar uga geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Mali, waxaana arrintaas oo aad uga falceliyay shacabka Soomaaliyeed iyadoona wali ka aamusan arintaan oo dunida aad looga hadal haayo.