Maareeye oo dacwo ka ah sawir uu dhibsaday oo lagu faafiyey baraha bulshada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Xildhibaan Maaxmed Cabdi Xayir Maareeye ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sawir kiisa ah oo sanadihii dambe aad loogu faafiyey baraha ay bulshadu ku xariirto ee (Social Media-yaha).

Sawirkaas ayaa muujinaya Maareeye oo laba dhagax gacmaha ku wata, waxaana laga qaaday intii uu ahaa wasiirka ganacsiga Soomaaliya, xilli uu ka qeyb qaadanayey olole nadaafadeed oo ka socday wasaaradda.

“Golaha wasiirrada markii la magacaabay Social Media-yaha waxaa lagu baahiyey anigoo dhagax weyn wata, oo dhahaya ra’iisul wasaare Rooblow car banaanka u soo bax, dhagaxaas aniga waxa uu ii sameeyaa dareen ah, inaan ahay nin wadani ah oo dalkiisa xaaqayey, wasaaradda ganacsiga horteeda ayaan ka gurayey dhagaxa oo nadiifinaayey,” ayuu yiri Maareeye.

Waxa uu sheegay in markii uu arko sawirkiisa isagoo dhagaaxaas wata uu ku farxo, balse uu ka xumaado habka loo adeegsado.

“Hadda waxaan ka fekerayaa, sawirkaas ma iska deysaa, mise qandaraas-baad ku bixisaa oo hey’adaha Social Media-yaha dhagaxaas hala bixiyaad dhahdaa,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Waxa uu sheegay in mar kasta oo ay qof isqabtaan ama xil loo magacaabo dhagaxaas aad loogu baahiyo baraha bulshada.

“Aniguna nin dagaal badan ma ihi, afka ayaan ka hadlaa, laakiin dagaalka ma aqaan,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo si kaftan ah uga hadlay sawir uu gacmaha ku heysto laba dhagax oo lagu faafiyey baraha bulshada ee internet-ka.