25.9 C
Mogadishu
Tuesday, February 24, 2026

Dowladda Soomaaliya oo si adag u cambaareysay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed dalka Nigeria.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa garab istaag loogu muujiyay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria.

Weerarradan ayaa lagu dilay in ka badan 50 qof oo rayid ah, iyadoo sidoo kalena lagu afduubay haween iyo carruur.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay garab istaag u muujineysaa Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, waxayna tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkooda, iyadoo u rajeynaysa dhaawacyada bogsasho degdeg ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan dadka la afduubtay.

“Soomaaliya waxay taageeraysaa dadaallada ay Nigeria ku doonayso in caddaaladda la horkeeno kuwii falalkan geystay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed.

Ugu dambeyntiina, dowladda Soomaaliya ayaa muujisay muhiimadda in qaaradda Afrika ay midnimo ku wajahdo argagixisada, isla markaana mudnaanta siiso ilaalinta rayidka.

- Advertisement -

Read more

Local News