Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay qabsashada Taalibaan ee Afghanistan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay xaalada ka taagan dalka Afghanistan, taasi oo ay gacan ku haynteeda la wareegtay kooxda Taalibaan.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Jaabiri ayaa sheegay in dhacdada Afghanistan laga baran karo sida ay waxba usoo kordhineyna joogitaanka ciidamo Ajnabi, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu xusay in 20 sano dowladda Afghanistan lagu bixinayay waqti iyo qarash badan, haddana ay ugu dambeyntii u gacan gashay kooxda Taalibaan, oo ay si weyn isku hayeen, taasi oo ku tusineysa in taageerada caalamka ay waxba soo kordhineyn haddii gudaha la isku duubneyn.

“Waxaa ka baraneyna (dhacdada Afghanistan) in joogitaan Ajnabi iyo ciidan Ajnabi marnaba la isku haleyn karin, in shacabka Soomaaliyeed u istaagan inay garab galaan dowladnimadooda, ciidankooda ay dhistaa oo qaraniimadooda ka shaqeeyaan, ayagu isku tashadaan,” ayuu yiir.

“Dadka qalafsan ee nagu dhex-jira ee naga fikir duwan ee marna aan raali laga wada noqon karin in meel looga soo wada jeesto oo aqoon-yahanada Soomaaliyeed ay kasii digaan baaritaana ka sameeyaan arrinta ka dhacday Afganistaan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ay dowladooda garab istaagan, isagoona ka digay in dalkeena ay ku imaan karto arrin lamid ah mida Afghanistan, haddii aan laga fikirin oo laga hortagin, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntiina waxa uu soo jeediyay in baaritaan lagu sameeyo ciidamada dowladda, si uusan cadowga uga faa’iideysan, islamarkaana ay horseedin in dalkeena uu ka dhaco waxa ka socda Afghanistan.

Hadalka Wasiiru-dowlaha ayaa kusoo aadaya xili si weyn loo hadal hayay waxa dhici kara haddii ciidamada AMISOM ka baxaan Soomaaliya, inkasta oo ay duruufaha ku xeeran labada wadan ay kala gedisan yihiin.

Hoos ka daawo hadalka Wasiiru-dowlaha