Dowladda Sweden oo war ka soo saartay xil ka qaadistii Ra’iisul Wasaare KHEYRE

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Sweden Ann Linde ayaa walaac ka muujisay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan isbedalka siyaasadeed ee ka dhacay dalka, kadib go’aankii ka soo baxay xildhibaanada Golaha Shacabka.

Ann Linde ayaa sheegtay inay wal-wal xoogan ka qabto go’aankii lagu riday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in loo baahan yahay inuu sii socdo wada-hadalkii magaalada Dhuusamareeb ee ay heshiiska ku gaareen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

“Sweden waxay walaac ka muujisay arrimaha la xiriira isbedelada isbuucaan ka socda Soomaaliya. Waxaa muhiim ah in wadahadalka loo dhan yahay uu sii socdo iyo in heshiiska Dhuusamareeb la ansaxiyo.” ayey tiri wasiirka arrimaha dibadda Sweden.

Sweden oo ah deeq-bixiyaha labaad ee ugu weyn Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa dhinacyo kala duwan ka caawiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Horey Mareykanka ayaa uga horyimid talaabadii lagu riday xukuumaddii Khayre, isaga oo ka digay in dalka uu galo qal-qal siyaasadeed ee hor leh.

Si kastaba ha’ahaatee xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa haatan ah mid kacsan, kadib kalsooni kala noqoshadii Khayre, taas oo uga sii dartay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021 oo uu weli ka taagan yahay mursan xoogan.